Faransiiska Oo ka Qayliyey Culayska uu ku Keenay Go’aanka Islaamku ku Qaaddacay Badeecadihiisa
October 26, 2020 - Written by admin
Paris(Hayaannews):-
Dowladda Faransiiska, ayaa ka damqatay, isla markaana dareentay culayska uu ku
yeeshay go’aanka lagu qaaddacay badeecadaha ay u dhoofiso dalalka Islaamka,
waxaanay dalalka Bariga dhexe ugu baaqday inay ka hortagaan dukaamadda iyo ganacsiyada
qaaddacay alaabaha dalkaas ka yimaadda.
Go’aanka
lagu qaaddacay badeecadaha kala duwan ee Faransiisku u dhoofiyo Dalalka
Islaamka, ayaa yimi ka dib markii uu Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron
difaacay in la baahiyo sawir lagu tilmaamay Nebi Maxamed NNKH oo Nin Macallin
ahi Ardaydiisa tusay, ka dibna Nin Islaam ahi ku dilay duleedka magaalada Paris
ee xarunta Faransiiska.
Wasaaradda
arimaha dibedda ee Faransiiska, ayaa sheegtay in baaqyada lagu qaadacayo
alaabta Faransiiska lagu saleeyay go’aanno runta ka fog, oo ay dabada ka
riixayaan dad xagjir ah oo kooban.
Alaabooyinka
Faransiiska, ayaa laga saaray Dukaamo ku yaal Waddamada Kuawait, Urdun iyo
Qatar, halka dibedbaxyo kooban oo Faransiiska ka dhan ahina ay ka dhaceen
Liibiya, Gaza iyo waqooyiga Suuriya.
Fal-celinta
amma jawaabtan adag ee Faransiisku la kulmay, ayaa waxay salka ku haysaa
faallooyin uu bixiyay Mr Macron ka dib dilkii loo geystay macalin Faransiis ah
oo sawir gacmeedyo uu muujiyay Nebi Muxamed NNKH, tusay ardaydii fasalka ku
jirtay.
Madaxweynaha,
ayaa sheegay in Macallinka la dilay oo la odhan jiray Samuel Paty sabab gaar
ah, waxaanu yidhi; “loo dilay sababta oo ah Islaamiyiintu waxay rabaan
mustaqbalkeenna. Laakiin, Faransiisku kama quusan doono sawir gacmeedyada”.
Sawiradda
Nebi Muxamed NNKH Gaaladu ku aflagaaddayso, waxay Muslimiinta u horseedi kartaa
ciqaab culus sababtoo Islaamka wuxuu si cad u mamnuucayaa sawirrada Nebi
Muxammad (CSW) iyo Allaah SW. Laakiin cilmaaniyadda dalka Faransiiska, ayaa
waxay udub dhexaad u tahay aqoonsiga qaranka Faransiiska.
Madaxweynaha
Faransiiska, ayaa sheegay in xakamaynta xorriyatul qowlka si loo ilaaliyo
dareenka koox gaar ah, ay wiiqayso midnimada dalka. Axadii, Mr Macron wuxuu
laba jibbaaray difaacidda qiimaha Faransiiska waxaanu qoraal uu soo dhigay
bartiisa Twitterka ku yidhi: “Isma dhiibeyno, waligeen.”
Hoggaamiyeyaasha
siyaasadeed ee Turkiga iyo Pakistan ayaa ku gacan seyray Mr Macron, iyagoo ku
eedeeyay inuusan ixtiraamin “xorriyadda caqiidada” iyo inuu takooray
malaayiinta Muslimiinta ah ee ku nool Faransiiska.
Axadii,
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in Mr Macron uu u
baahan yahay “baaritaan dhanka Maskaxda ah. Hadalka Erdogan ayaa horseeday in
Faransiiska ay dib ugu yeeraan safiirkooda u fadhiya Turkiga.
Sidee
ayay u ballaarantahay qaadacaadda alaabaha faransiiska?
Qaar
ka mid ah goobaha laga dukaameysto ee dalalka Urdun, Qatar iyo Kuwait ayaa ilaa
Axaddii laga xayuubiyay alaabtii Faransiiska. Tusaale ahaan timaha macmalka ee
lagu sameeyo Faransiiska iyo waxyaabaha la isku qurxiyo.
Dalka
Kuwait, ururka ganacsiga ee alaabta tafaariiqda ayaa amar ku bixiyay in la
qaadaco badeecadaha Faransiiska.
Wasaaradda
arimaha dibedda ee Faransiiska ayaa sheegtay in baaqyada lagu qaadacayo alaabta
Faransiiska lagu saleeyay go’aanno runta ka fog, oo ay dabada ka riixayaan dad
xagjir ah oo kooban.
Waxaa sidoo kale baraha bulshada dhex-wareegayay baaqyo dhanka online-ka ah oo dalalka Carabta lagu boorrinayo iney iyagana qaadacaan alaabaha Faransiiska.
Baaqan Dowladda Faransiiska ka soo yeedhaya, ayaa muujinaya culayska iyo cadaadiska durba soo food-saaray alaabooyinka Faransiiska ee la geeyo Dalalka Islaamka, waana tallaabo uu ku garawsan karo Madaxweynaha Faransiisku gefka iyo qaladka uu sida badheedhka ah ugu kacay ee ka dhanka ah Islaamka iyo Nebi Muxamed nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee.