Faraska Tigrey Ee Guumeystahu Soo Koorreystay, Kasmada Shisheeye iyo Afrikada Maanta.

Hargeysa(Hayaannews): Madaxweynaha Mareykan, Joe Biden, ayaa maanta tibaaxay xukuumaddiisu in ay indhaha kor uga lalin doonto xasuuqa laga soo sheegayo Waqooyiga Ethiopia, haddii, RW Abiy Axmed Cali u soo hogto diblomaasiyad iyo xal nabadeed in lagu soo dabbaallo dagaalka Ethiopia. Halkaa waxaa ka muuqata kasmada gabaabsiga ah ee shisheeyaha iyo jabka ka soo gaadhay colaaddii ay hurinayeen taasoo ujeeadudu ahayd in mar kale laga danaysto Africa.

Haddaba, argagaxisada TPLF oo uu taageerayo ka gumaystaha Maraykan iyo dirkiisa markii laga gacan-maroojiyay dhammaan Gobolka Canfarta, waxaa, hadda, soo xaqiijiyay, sidoo kale, Gobolka Amxaaradau in uu ka xuub siibanayo. Xukuumadda Fedraalka waxaa, ilaa hadda, u gacan galay magaalooyinka Mezezo, Molale, Shewa Robit, Rasa iyo magaalada guunka ah ee Lalibela.

Isla markaa, dirir aan la isu jiidh naxayn ayaa, ka socota magaalooyinka Dessie iyo Kombolcha iyadoo RW Abiye Axmed Cali ku tilmaamay mid ay dhallinta Tigrey u daadanayaan sida caleenta. RW Abiy waxaa uu TPLF u fidiyay gacan nabadeed isagoo ugu baaqay in ay inta goori goor tahay isa soo dhiibaan.

Dhinaca kale, duqaymo culus ayaa ka socda Maqalla, Caasimada Tigrey, halkaas oo weeraro culus ay ku ekeeyeen dayuuradaha Daroonka ee xukuumaddu ka soo iibsatay Turkiga, Shiinaha, Iran iyo Imaaraatka Carabta.

Dagaalka oo lagu asteeyay mid dib loogu gumeynayo Afrika ayaa shucuubta gobonnimada jecel hubaan in ay guul ka soo hoyn doonaan.

Maanta 2021 ma aha shalay1884 ee Afrika loo googoostay cad cad. Xilligan, Africa tiro, tayo iyo aqoon laguma ciili karo, weliba, waxaa u sii dheer khayraadka dabiiciga ah oo dunida gabaabsi ku ah.

Dadna waxaa ugu liitta Reer Galbeedka maanta soo fuulay faraska Tigreyga shanta milyan ah oo ku carinaya 100ka milyan iyo shucuubta ay muddo 29 sannadood ah ugu talinayeen godob, dhagar, utun, eex iyo boob .

Qalinkii Xassan Cumar Hoorri

FACEBOOK: https://www.facebook.com/hhorri

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Mustafe_Janaale(#MJ)

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com