Faysal Cali Waraabe Oo Sheegay Inuu Ka Shaqaynayo Qorshe Uu Madaxweyne Farmaajo Kaga Saarayo Madaxtooyada Villa Soomaaliya


Hargeysa(Hayaannews):- Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay ujeeddada uu uga qaybgalay Shir Beelaha Dir oo lagu soo gebogabeeyey magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa sheegay inuu ka shaqaynayo sidii uu madaxtooyada Villa Soomaaliya uga saari lahaa Madaxweyne Farmaajo.

Waxa uu Faysal sheegay inuu dagaal la galayo Shaqsiyaad uu sheegay inay madaxbannaanida Somaliland ka soo horjeedaan oo uu xusay inuu ugu horreeyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Haddaba, Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo arrimahaas iyo kuwo kaleba kaga hadlay Khudbad uu ka jeediyey Qalin-jabin maanta Hargeysa uu kaga qaybgalay, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa warkiisa muuqaalkan hoose ee daawasho wanaagsan:-