FDA Oo Ansixisay Tallaalka Moderna Ee Ka Dhanka Ah COVID-19

Dowladda Mareykanka ayaa xalay ansxisay isticmaalka tallaalka shirkadda Moderna, kaasoo noqonaya kii labaad ee looga hortagayo cudurka Covid-19 ee laga billaabo Mareykanka.

Waaxda Cuntada iyo dawooyinka FDA ayaa ku dhawaaqday go’aanka, maalin ka dib markii khubaro caafimaad oo madax bannaan ay ku taliyeen in la qaato tallaalkan, iyo todobaad ka dib markii la billaabay qaadashada tallaalka ay sida wadajirka ah u sameeyeen shirkadaha Pfizer iyo BioNTech.

Isticmaalka tallaalka shirkadda Moderna ayaa la billaabi doonaa maalmaha foodda nagu soo haya, iyadoo ay qaadan karaan dadka ay da’doodu ka weyn tahay 18-ka sano.

Tallaalka lagula tacaalayo xanuunka Covid-19 ee gudaha Mareykanka ayaa ilaa iyo hadda waxaa lagu billaabay shaqaalaha caafimaadka, kuwa ka shaqeeya guryaha xannaanada waayeeylka iyo qaar ka mid ah shaqaalaha dowladda federaalka Mareykanka.

Shalay, waxaa iyadoo telefishannada laga daawanayo tallaalka COVID-19 lagu muday, madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, Mike Pence. Todobaadkanna waxaa la filayaa in sidaasi la mid ah si toos ah loo daawado madaxweynaha la doortay Joe Biden oo isna laga tallaali doono xanuunka.

Tirada dhimashada dadka Mareykanka ah ee uu dilay COVID-19 ayaa dhaaftay 314 kun oo qof.