Finland: Muwaadinad Lagu Abaalmariyey Kartideeda

Espoo (Hayaannews)- Faadumo Eng Faisal Cali, ayaa sheegya in  abaalmarinta lagu maamuusay waxqabadkeedu ay caddeyn u tahay in caruurta ajaanibka (qaxootiga) ku tagay caalamka ay guulo gaadhi karaan lagu majiirto, hadii fursado la siiyo, sida dalka Finland looga qiray waxqabadkeeda bulshada iyo horumarka ay muddo kooban ku gaadhay.

Munaasibad lagu abaalamrinayey Fadumo oo ah gabadh uu dhalay Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo shirkada Hoiwa oo adeeg cafimaad bixisa aasaastay ayaa la sheegay in sannadkii koowaad oo dakhligeedu ahaa  nus malyuun Euro, uu gaadhay xaddi dhan 4.2 Milyan laba sannadood gudahood, kuna gaadhay guulo si weyn loo majiirtay, laguna amaanay.

Fadumo Eng Faisal oo noqotay qofkii u horeeyey aan Finish ahayn ee abaalmarintan la gudoonsiiyo, muddo 42 sannadood ah, ayaa hadal ay ka jeedisay madashii abaalmarinta lagu siiyey ugu baaqday bulshada dalka Finland inay soo dhoweeyaan ajaanibka, maadama guulo gaadhi karaan, kuna faantay inay tahay gabadh Muslim ah.

“Waxaan ahayn gabadh Muslim ah, laakiin ma ihi dhibane.

Fadumo ayaa sheegtay inay timi dalka Finland iyadoo gaabdh yar ah, balse ka heshay fursad qaali ah oo ay ka faa’iideysatay,

“Arragtidayda, abaalmarinta la igu maamuusay waxay caddeyn u tahay in xitaa caruurta dadka ajaanibku ay fursad ka heli karaan, lagu majiirto.

Waxay u sheegtay martidii goobjooga ka ahaa munaasibadii abaalmarinteeda oo ay ka soo qeybgaleen Maayirka magaalada Espoo  in dalka Finland aanu ka jirin nacayb, halka qofka ajaanibku ka yimi,

“Waxaan ku baaqayaa inaan dadka laga tirada badan yahay aan loo arkin dhibaneyaal, laakiin dad isbedel keeni kara.” Ayey tidhi Fadumo Eng Faysal, iyadoo raacisay, “Waxaan doonayaa inaan tusaale u noqdo dadka ajaanibka ah oo dhiirigeliyo. Waxay gaadhi doonaa guulo badan, iyo tusaale lagu deydo, hadii fursado la siiyo.”

Shirkadda Hoiwa ee Faadumo aasaastay ayaa la sheegay in lagu bilaabay hal qof oo ka shaqaynayey xafiiska, balse xilligan ka hawlgalaan todan qof, isla markaana sannadkii koowaad oo liiska shirkada ay ku jireen xirfadlayaal caafimaad tiradoodu gaadhayso 400 qof ayey xilligan ay u diiwaan gashan tahay tiro gaadhaysa 2,500, koboc nadir ku ah ganacsiyada dalka Finland.

Abaalmarinta Faadumo Eng Faysal ee dalka Finland ayaa noqonaya muwaadinkii saddexaad ee Soomaali ah oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Jamhuuriyadda Somaliland ee caalamka sannadkan lagu qiimeeyey waxqabadkiisa laguna abaalmariyo, iyadoo ay ka horeeyeey Saamiya Cabdulle oo magaalada Georgia ee dalka Maraykanka lagu daray 100-ka qof ee ugu waxtarka badna bulshadooda iyo Cali Cabdi Jaamac, uu Baarlamaanka dalka Canada ugu aqoonsaday dedaalka uu u galay horumarinta bulshada. Waa qorshe mudan in Wasaaradda Arrimaha dibedda ku deyato, isla markaana shaqsiyaadkan iyo guud ahaan qurbajooga caalamka sannadkii mar ku maamuusto wadamadda ay joogaan, kuna jihayso iskaashiga gudahooda iyo horumarinta danaha qadiyada Jamhuuriyadda Somaliland ee dalalka ay joogaan.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeisa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com