Furitaanka Shirweynaha 2aad Xisbiga WADDANI Oo Loo Dhag-taagayo Iyo Xubnaha  Loo Dooran doono Hoggaanka Xisbiga.

Hargeysa(Hayaannews): Shir-weynihii labaad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa la filayaa in maalinta beri oo Isniina uu ka furmo Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

Shir weynahan oo ah kii labaad ee Xisbi WADDANI uu qabsado muddadii uu jiray, kaas oo ay ka soo qayb-gelayaan ergooyin tiradooda lagu sheegay sagaal boqol (900) oo ergay,kuwaas oo kale yimi gobolada dalka iyo daafaha caalamka iyo marti sharaf kale duwan oo lagu casuumayo furitaanka shirkaas,kuwaas oo tiradoodu ay kor u dhaafayso laba boqol oo marti sharaf ah.

Shir weynaha labaad ee Xisbiga WADDANI oo isniinta berri ah 15 November 2021-ka ka furmaya huteelka Maansoor ee magaalada Hargeys, ayaa soconaya laba maal-mood, kaas oo lagu doorran doonno Guddoomiyaha shanta sanno ee soo socota hoggaamin doonna Xisbiga iyo shanta Guddoomiye ku-xigeen iyo weliba xoghayaha guud ee Xisbiga iyo ku xigeenkiisa.

Dhanka kalena Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa la filayaa inuu ka tanaasulo musharraxnimadiisa Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, waxaana la filayaa in xilka Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI loo dooran doonno Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, halka Xoghayaha guud ee Xisbiga la sheegay in isna loo dooran doonno Khadar Cabdi Xuseen iyo Xoghaye ku-xigeenka oo isna loo doorran doonno Jamaal Jaamac Xaamud

Xisbiga WADDANI ayaa maalinta berri ah qabsanaya shir-weynihiisa labaad,kaas oo si weyn loo sugeyey,isla markaana ay Xukuumadda KULMIYE si weyn indhaha ugu hayso,waxaynu dhawrnaa waa isniinta berri iyo qabsoomida shir weynaha Xisbiga aqlabiyadda shacbiga ee WADDANI.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Mustafe_Janaale(#MJ)

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com