Gabaygii BOHOLYOW Ee Siyaasi Jamaal Cali Xuseen Oo Qoraal Ah

Hargeysa(Hayaannews); Gabayga Boholyow ee uu toddobadkan soo saaray Aqoonyahan/Siyaasi Jamaal Cali Xuseen waxa uu noqday gabaygii loogu hadal haynta iyo dhagaysiga badnaa. Sannad-guuraddii 10 naad ee uu siyaasadda Somaliland ku jiray wixii uu ku arkay ayuu ka tiriyey. Waxaanu yidhi:

Buuraha Amreek, Keneda iyo, beelo wada yaala

Sucuudiga ah Boqortooyadiyo, Bari intii eegta

Dawladaha Baatroolka liyo, baasha Filibiini

Baalida Indoniisiya iyo, badaha waageersan

Bahamaas dalxiis lagu tagiyo, Miiksikiyo Boolan

Turkigiyo, Belize, iyo intii, horumar soo biirshay

Trinidad Tobeegiyo Baxreeyn, uunku badi raadsho

Barbadoos, Latin Ameerika iyo, budulkii lay jeexay

Bad Kareebiyaan iyo intaan, dal u boqoolaayey

Boston iyo intaan Yurubta weyn, duni ku soo beegmay

Aasiya badhkeediyo intaan, booqashadda gaadhay

Waddamadu intaan kuu bacdhebay, wey ka badanyiine

Boqolaal kalaa dheer intaan, caalam beegsadaye

Afrikada Galbeed iyo Baraan, baalasha u fidiye

Maxaan dunida labadeeda baal, budo la iidaamay,

Adduunyadan ballaadhane fiddaye, biraha shiilaaysa

Anigoo baxaanbax u maroo, badi ku noolaaday

Anoo caalamkaa baaxadda leh, baho ku soo yeeshay

Anigoo Bangiyo maamul sare, soo baxnaaninayey

Bartii Wall Street iyo aqaan, boqoro waaweynba

Anoo Boos ahaa derajadoo, wax uga baahneeyna

Boholyoow daraaddii dalkii, Eebbe igu beeray

Ayuun baan bartii aan ku koray, beledki soo aaday

Waxaan idhi adaa buuxin kara, baylah faraweyne

Dhulkii doorashada loo ballamay, magane soo buuxi

Bilaash taada yeel oo dan guud, uga badheedh maanta

Waxaan idhi adoo raaxo bidin, ugu boqool maanta

Waxaan idhi adaa wax u barataye, buulka la hagaaji

Aduu Qaranku kuu baahanyee, baaxad ugu hiili

Afartaa intaan buug ku qoray, beyd ma ugu sheegay

Bilaash uma gabyaayee miyaan, baadi ugu raadshay

Balan waa axdi Ilaahay iyo, barashadeeydiiye

Bahal horror, abaal xumadda iyo, dumar baroortoodba

Tacab ba’ay dheh, Muuq baahiyaha, kaan u badhi-taaray

Baylahdiisa doqonkaan kabeen, boqol halaad siiyey

Qof iskuullo cayda uga baxay, bagagi aad moodo

Isagoo badh deyntii ka mida, baqayo maalaaya

Abaal-dhiciyo cay baad ka bogan, beerka kuma hayne

Basanbaas abaareed ka daran, baad ninkaa cunay

Meel buuxi hadalkeey bulshaddu, berigi sheegeene

Bakhtigoo u xalaaluu fadhiyo, baarkin laga guuray

Nimankii Badweyn ku haftayeen, buurta sare geeyey

Raggii aan u soo hagar baxeen, soo badbaadinayey

Baabacadda nimankii kitaab, baal kastaba saaray

Ee bidixda ii dabay afkana, been i maqashiiyey

Ee bilaa abaal igu noqdee, iguna baakfeeray

Booraan markaay ii qodeen, wey sa soo barane

Bahal geed is marisaa i heliyo, beenawaas darane,

Waaw bohoro nimanka haddaanan, buug ka soo qorine

Bismillaahi baan ku xawiliyo, Boqor Ilaahaay e

Macal dacawo barataa kolbay, boog cuntaa sun ahe

Haddii uu Garsoorkii banjaro, soona bixi waayo

Alleylehe bishaarada Allaa, been ma sheegta ahe

Is barraxaye waxa aan dadkii, uba bidhaamaynin

Barlamaan shuruuc laga rabiyo, dawladnimo buuxda

Oday baaqanaayiyo ma jiro, Beela-daajihiye

Halkii aan buurufnimo xaq iyo, beratan eegaayey

Barbaar hiil taqaanoo halkaan, bulan ka eegaayey

Banaan baxa dadweyniyo halkaan, baawar filanaayey

Markaan doorasho u soo baxay, baraqnuglaadeene

Bahbahleyn miyaan anigu rabay, been is wada dooxday

Miyaa boholo lay qarinayiyo, daawladnimo biig ah

Xisbigaan badbaadshaba maxaa, loo burburinaayey,

Ka bogsaday wixii i soo maroo, baanisaa hadhaye

Gobanimo Badmaax baa heliyo, qaarkaloo badane

Dadkaygii horgalaha i bidee, kalana beel beela

Barbaar iyo haween iyo ragii i, badhi-gantaalaayey

Bogaadin iyo bay iga muteen, baalal dahabeed e

Afartaa intaan buug ku qoray, beyd ma ugu sheegay

Bilaash uma gabyaayee miyaan, baadi ugu raadshay

Hankaan baadigoobka u nahee, shaalka laga buuxshay

Sheeko baralay waakaa noqdiyo, baab la filanayne

Dadkan waan ka biyo diidsanahay, ba’an Ugaasoowe

Kuwii boqonta gooyey markale, soo boqranayaane

Birmagaydadii laguma oga, amase waa booshe

Musuqmaasuq baahaa jiriyo, baylah faro weyne

Boogtii dadweynaha ku tiil, way buktaa weliye

Barbaartaa la kala qeybiyee, bacadka taagtaagan

Beel iyo qabiil baa jiriyo, bah iyo reer reere

Bartilmaamna ruux aan ma jiro, beerka laga laadin

Nimaanay bilaawaha la dhicin, maba bariidshaane

Waa kuwaa banaanka u fadhiya, bacad kuleyla e

Baabuur taayir kii laga furtay, naguna beegeene

Nin bakhshiish dalbanaya hadduu, baakidh madhan haysto

Bilaash xayte lama waayiyo, waali buuq badane

Siyaasiga hunguriguun bartaye, biilka garanaaya

Bakhayl xaasidka is-muujiyee, buunka lagu yeedhshay

Bayacad mushteri xiimayoo, bawlad guranaaya

Kirishbooy wax yara biirsadoo, buuri la ordaaya

Iyo niman badnaayoo arliga, laba bogleeynaayey

Beri dhow kuwaasuu nabsigu, soo bariidiniye

Beenaale taajira Alloow, buulka hay gelinin,

Dadkaygaan baraarugin haddana, boogtu kala gaadhay

Alleylehe bad iyo bay galeen, baaxad sooraba e

Adduunyaddan balaadhane ka dedan, ba’ane yoow sheega

Xiddigaha in loo baratan galay, ba’ane yoow sheega

Inaan cidina boobeeyn cid kale, ba’ane yoow sheega

In loo bu’ayo guul horumarkeed, ba’ane yoow sheega

Inaan lagu badbaadaynin kibir, ba’ane yoow sheega

Dadkii qiimo wuu kala batee,  ba’ane yoow sheega,

Baadiyi nin aan dhaqanin bay, badi agjoogtaaye

Dib cid aan bartaba uumiyaha, baylahshoo nacaye

Ninka walaalkii bawdadu jabtee, baga u sii raacshay

Haddii uu barkimo dheer dhigtuu, buuni ku ahaadey

Barbariiqayaa ama si kale, bes u ahaayaaba

Barribuu nabsigu qabanayaa, waaw baraad li’iye

Dalkii bahalo mamaybaa u hadhoo, booliquuta ahe

Kana beydhe baabkii Alliyo, buundadii saxa e

Burji iyo ninkii hibo lahaa, hays bidhaansadaye

Nin tacliin bartiyo baanay rabin, barako diimeede

Waxay bananka ugu tuurayaan, baqasho weeyaane,

Afartaa intaan buug ku qoray, beyd ma ugu sheegay

Bilaash uma gabyaayee miyaan, baadi ugu raadshay

Markuu booska soo sahansaduu, lacagta baandheeyay

Waraabihii Bakaylaha noqdaye, been ku shaqo doontay

Gudiddii cadliga loo bidaye, loo bandhigay doodda

Iyaguna badhkay qarinayeen, wuu ku soo baxaye

Wax la baab ah beledkeenan iyo, baylahaa jira e,

Rajadeenu wey badan haddii, buuni loo xulo e

Inkastooy nin aan billi lahayn, sacab ku boobsiiso

Inkastooy dilaal iyo badraan, baalka sii sudhato

Bidhikaalana ay xulato iyo, bahalo jaanjaaman

Inkastooy qabyaaladdi buruud, buuxsinkii dhigatay

Bulsho lama maleeye Allaa, waaga noo berine

Maruunba Raggii waxan na baday, baabah laga yeeli

Banaan iyo mus kuu doonayaba, hays ballaadhsado e

Beledkaaba laga waayayaa, belo nin sheegtaaye,

Baatroolka ciiddeena een, beecna lagu doonin

Iyo biyahii laga waayaybaa, lagu barwaaqoobi

Wallee aanse loo kala baxayn, baaqigaa hadhiye

Macdanteena buuraha markaa, badi la soo saari

Mar uunbuu ka soo bixi shacbigan, hanad wax beeraaye

Anna waxaan baryadda Eebahay, boqorka weydiistay

Alle inuu na baantoo arliga, nagu badhaadhshaaye

Nabsi baxana uu i siiyo iyo, waxan bogaadshaaye

Dhammaad

Baaxuur= Qof karti leh

Baayaal=  Darxumo badan

Bacalleel = Waa fadhiga ay ka muuqato maahsanaanta iyo daranyadu

HALKAN HOOSE KA DAAWO

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale(#MJ)

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com