Ganacsatada Qaadka Kenya oo cadaadis saaraya madaxweyne Uhuru Kenyatta

Nairobi  (Hayaannews) – Ganacsatada Qaadka ee dalka Kenya ayaa ku cadaadinaya madaxweynaha dalkaasi Uhuru Kenyatta in uu dhakhse u bilaabo wada hadallo ku saabsan sidii ay dowladda Soomaaliya u fasixi laheyd Qaadkii loo dhoofin jiray.

Guddoomiyaha guddiga ganacsatada Qaadka ee dalkaasi Kenya Kimathi Munjuri wuxuu sheegay in Soomaaliya ay tahay suuqa ugu weyn oo ay heystaan waxaana maalintii la geeyaa ilaa  50 tan oo qiimihiisu yahay qiyaastii  16 milyan oo Shillinka Kenya ah..

“Qiyaastii 5 bilyan oo Shillinka Kenya ah, oo laga heli lahaa jaadka Miirowga ayaa luntay 10-kii bilood ee la soo dhaafay, waxaana hore jaadka ula wadaaji jirnay ganacsatada Soomaaliya, kuwa wax ka dhoofiya Nairobi, Waxaan ka codsaneynaa madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta inuu naga caawiyo arintaan, ayuu yidhi Mr Munjuri.

Dowladda Kenya ayaa gabi ahaanba joojisay Qaadkii ka iman jiray dalka Kenya, iyada oo ku badashay Qaadka ka soo gala dalka Itoobiya oo hadda si toos ah u tagga Soomaaliya gaar ahaan magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Xidhiidhka ganacsi ee ugu weyn labada dal Soomaaliya iyo Kenya ayaa noqonaya kan Qaadka oo waayadii ugu danbeeyay istaagay.