Geedigu Markuu Adkaado, Kuwa Adag-baa Wadda

(Markuu Adkaado Geedigii aynu ku Gaadhi lahayn Himmilada aynu Hiigsanayno, Kuwa Adag baa Wadda)

Hargeysa(Hayaannews): Kuwa isku sheega inay yihiin Kormeerayaasha Talaalka ka hortaga Cudurka Dabeysha, kuwa Qiimeynta iyo Dabagalka ku sameeya Kooxaha Talaalka ka Hortaga Cudurka Dabeysha in ay gaadhsiiyeen Talaalkii dhamaan Caruurta Jamhuuriyadda Somaliland, maaha (Audit) dhowre, laakiinse, (Audit-ku) Dhowre waa Alle (SW) , isagaa og in ay gaadhsiiyeen talaalayaashu oo ay ka Talaaleen Talaalkii ka hortaga Cudurka Dabeysha Caruurta iyo in kale, isla markaana isagaa la xisaabtami doona maalinka Qiyaame iyaga kuwa masuulka ka ahba.#Hayaannews.net

Nabadu waxay ka timaadaa dhinaca Taban oo hoosta ayey ka soo unkataa, Toosintuna waxay ka timaadaa dhinaca Toggan oo guradda ayey ka soo unkataa, marka xillalka loo magacaabo Gocorrada, ma soo hoyn karaan guul siyaasaddeed iyo mid dhaqan toona, waxaad arkaysaa iyagoo xafiiskooda fadhiya maalmaha uu socdo Talaalku, iyagoo haddana ku qoran Kormeerka maalmaha Talaalka ka Hortaga Cudurka Dabeysha oo ka qaadanaya Hay’adda Caafimaadka Aduunka kharashkii hawl-galka Kormeerka maalmaha Talaalku socday iyo Kharashkii gaadiidka ay ku kormeerayeen, markaa maxaynu ka fillan karnaa Kooxihii Talaalka, gaar ahaan kuwo Miyiga.

Mohamed Faarax Qoti

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com