“Go’aanka Guurtidu Waxa Uu Soo Afjaray Ismarin Waa’ Siyaasadeed iyo Kala Aragti Duwanaanshiiyo Ra’yi Oo muddo Soo jiitamaysay.”Cabdiraxmaan-CIRRO.

Hargeysa(Hayaannews):Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan-Cirro) ayaa ku bogaadiyay Golaha Guurtida Somaliland inay is-waafajiyeen mudda xileedka Golaha Wakiillada iyo iyo soo jeedintii Axsaabta Qaranka iyo Komiishanka doorashooyinka, isaga oo ku tilmaamay inay arrintani soo afjartay is-marin waa siyaasadeed iyo kala aragti duwanaanshiiyo ra’yi oo muddo soo jiitamaysay.

.Sidaa waxa uu Guddoomiye Cirro ku sheegay Qoraal uu soo saaray oo nuqul ka mid ah ay heshay Shabakada Wararka ee #Hayaannews, waxaanu u dhignaa sidan:

“Waxa aan ku bogaadinayaa Golaha Guurtida waajibka sharci ee ay guteen maanta, maadaama ay is waafajiyeen mudda xileedka Golaha Wakiilada & soo jeedintii Axsaabta Qaranka, KDQ iyo Madaxweynahaba ee cayimaadda doorashada, arrintani waxa ay soo afjartay ismarin waa’ siyaasadeed iyo kala aragti duwanaanshiiyo ra’yi oo muddo soo jiitamaysay.

Dalkeenna Somaliland waxa uu u dhaqaaqay oo uu cagta saartay jidka doorasho muddo dheer la sugayey oo ah doorasho isku sidkan taariikhda markii kowaad, doorasho fursad weyn siinaysa da’yar badan oo u hammuun qabtay in ay mar’uun wax doortaan iyagana la doorto, doorasho fursad weyn siineysa in haweenkeenna ay soo galaan Golayaasha Qaranka, doorasho fursad weyn siineyn in ay helaan Beelaha Gabooye metalaad sharci ah.

Ugu dambeyn, waxaa midho dhalay xikmaddii lagu majiiran jiray Jamhuuriyadda Somaliland ee ahayd isu-tanaasul, wada-hadal & isafgarad in wax walba lagu dhammeeyo.

Arrintan ayaa ka danbeysay, kadib markii Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland uu maalintii shalay ee isniinta uu yeedhay fadhi aan caadi oo uu isku waafajiyey wakhtiga ay guddida doorashooyinku u cayimeen qabsoomida doorashada Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka iyo Go’aankii hore Golaha guurtidu muddo kordhinta ugu sameeyey Golaha Wakiiladda.

#Mustafe_Janaale

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: #Hayaannewssoma@gmail.com