Golaha Guurtida Oo Guddi U Saaray Xeerka Caymiska Somaliland

Hargeysa (Hayaannews) – Golaha guurtida Somaliland ayaa guddi hoosaadka shuruucda ee golahaas ku wareejiyay xeerka caymiska qaranka Somaliland ee 92/2021.

Fadhi ay yeesheen golaha guurtida Somaliland oo uu shirgudoominaayay gudoomiyaha golahaasi Saleebaan Maxamuud Aadan ayay xildhibaanada golahaasi dood ka yeesheen xeerka caymiska qaranka xeer lambar 92/2020, iyadoo laga saaray xeerkaas qodobka 25aad oo xildhibaanada golahaasi ay sheegeen inuu yahay mid aan haboonayn, isla markaana ka hor imanaaya xeerarka dalka u yaala.

Saleebaan Maxamuud Aadan gudoomiyaha golaha guurtida ayaa sheegay in xeerkaas lagu loo gudbiyay guddi hoosaadka shuruucda ee golahaas, si ay wax-ka badal iyo kaabis ugu soo sameeyaan xeerka caymiska qaranka Somaliland xeer lambar 92/2020.

Shirgudoonka golaha guurtidu wuxuu guddidaas shuruucda u soo jeediyay in marka ay xeerkaas waajibaadkooda ka gudaatan ay dib ugu soo celiyaan golahaas, iyadoo ansixintiisana cod loo qaadi doono.