Golaha Wakiillada Somaliland Oo Ansixiyey Xeer

Hargeysa(Hayaannews)- Golaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta ansixiyey Wax ka Beddelka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Garsoorka xeer lambar 24/2003, kaas oo ay kaabis ku sameeyeen.

Fadhigan oo uu shir Guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Baashe Maxamed Faarax, waxa xildhibaannadu ay qoddob-qoddob u ansixiyeen qodobka koowaad illaa qoddobka 79-aad.

Siduu ku soo warramay weriye ka tirsan Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA, waxa xeerkaas ansixintiisa ogolaaday 35 Xildhibaan, Lix Mudane ayaa diiday, cid ka aamustayna may jirin, sidaasi ayaanu ku ansaxay xeerka nidaamka Garsoorku oo ay hore Goluhu dood dheer iyo lafo-gurba ugu soo sameeyeen xeerkan muhiimka.