“Goluhu Ma Aqbali Doono Doorasho Aan Jad-walkeedu Caddeyn Oo Maalinba Kuraas Tiro Yar La Shaacinayo. Iyo Doorasho La Boobo….” Golaha Midowga Murashixiinta SOOMAALIYA .

Muqdisho(Hayaannews):Golaha Midowga Murashaxiinta Soomaaliya ayaa dhaliilay qaabka loo wado doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya, waxayna sheegeen inaanay aqbali doonin doorasho aan jadwalkeedu caddeyn.

War-saxaafadeed ay soo saareen Golaha midowga murashixiinta Soomaaliya oo ay nuqul ka mida ay heshay Shabakada Wararka ee #Hayaannews, ayaa waxa lagu yidhi  “Xaaladda uu maanta dalkeenna ku suganyahay ma aha mid xamili karta doorasho loo daahiyo dano gurracan ama la boobo, sababtoo ah daaha doorashada ama boobka doorasho waxey dalka u horseedaysaa xaalad cakirnaan iyo colaad sokeeye.”

“Goluhu wuxuu ku boorinayaa Raysal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble in uu dalka ku hoggaamiyo sida dastuurka waafaqsan oo ay dalka ka qabsoomaan doorasho xor iyo xalaal ah, daahfurnaan leh, waqtigooduna cayimanyahay.”

Golaha ayaa ku baaqay in la helo jadwal doorasho oo mideysan oo ay ku caddahay taariikhda billawga doorashada xubnaha Golaha Shacabka iyo dhammaadkeeda.

“Goluhu ma aqbali doono doorasho aan jad-walkeedu caddeyn oo maalinba kuraas tiro yar la shaacinayo. Wuxuu kaloo aqbali doonin doorasho la boobo, lagu shubto oo beelihii xaqa u lahaa kursiga la dulsaaro dad aysan iyagu soo dooranin,” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Waxay sidoo kale dalbadeen in ay doorashu noqoto mid si daahfurnaan leh ku dhacda, loona madaxbanneeyo odayaasha dhaqanka beesha kursiga ku astaysan soo xulista ergada, fursad simanna loo siiyo tartamayaasha oo idil, goobta doorashadu ka dhacaysana loo sinnaado.

“Goluhu wuxuu ka dhigayaa cawaaqib xumida ka dhalan karta in la boobo doorashada kuraasta Golaha Shacabka. Dalkeenu wuxuu ka soo kabanayaa colaad sokeeye, doorasho la boobana natiijadeedu waa colaad sokeeye, sidaas darteed waa in aan si wadajir ah uga hortagnaa boobka doorashada,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

Midowga Murashaxiinta ayaa sidoo kale ku baaqay in la helo korjoogto ka socota bulshada rayidka ah iyo beesha caalamka, si loo hubiyo hufnaanta doorashada.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale(#MJ)

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com