Guddi Dowlad-deegaanka Soomaalidu u Saartay Geerida Prof: Galaydh Oo Shaacisay Sababta Geeridiisa Iyo Goobta Lag Aasayo.


Jigjiga(Hayaannews):- Guddi uu Madaxweynaha Dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya u xilsaaray baadhitaanka waxa sababay geerida Ra’iisal-wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof: Cali Khaliif Galaydh oo gelinkii hore ee Khamiitii maanta ku geeriyooday magaalada Jigjiga, ayaa shaaciyay in Marxuumka u geeriyooday cudurka Covid-19 oo uu maalmahaan la xanuunsanayey, sida guddigu sheegtay.

Wasiir ku-xigeenka caafimaadka dowlad-degaanka Soomaalida ee Dalka Itoobiya Dr. Mukhtaar Yuusuf Muuse oo ku hadlayay magaca guddiga, ayaa sheegay in Cali Khaliif labadii maalmood ee ugu dambeysay uu u xanuunsanayey xanuunka covid-19, balse xaaladdiisu ay soo xumaatay maanta markii xanuunku ku soo saa’iday, ka dibna uu u geeriyooday, sida uu Wasiir ku-xigeenku ku dooday.

 “Maanta duhurkii ayuu billaabay naqasku inuu ku dhego, anigoo la jooga ayay naftu ka baxday Prof: Cali Khaliif Galaydh, runtii waa geeri aad u xanuun badan, wuxuu lahaa qufac fara badan iyo xumad.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka ku-xigeenka caafimaadka dowlad-degaanka Soomaalidu.

Marxuum Cali Khaliif Galaydh, ayaa lagu aasi doonaa magaalada Muqdisho maalinta Jimcaha berrito ah haddii Illaahay idmo, eheladiisa iyo dowladda Soomaaliya, ayaa codsaday in meydkiisa Muqdisho loo soo qaado, si halkaas aas qaran loogu sameeyo, sida ay xaqiijiyeen Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Masuuliyiinta dowlad-deegaanka Soomaalidu.

Geesta kale, Garaadka guud ee gobolka Sool Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo Warbaahinta kula hadlay caawa magaalada Laascaanood iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo isna Hargeysa ka hadlay, ayaa dalbaday in Meydka Marxuumka lagu aaso magaalada Laascaanood, maaddaama oo uu ahaa Siyaasi caan ah oo gobolkaas ka soo jeeday dhalasho ahaan, hase-yeeshee, waxay Soomaaliya iyo Dowlad-deegaanka Somaalida Itoobiya, xaqiijiyeen in Muqdisho lagu aasi doono.

Geerida Marxuum Cali Khaliif Galaydh, waxaa ka hadlay Madaxweyneyaasha Somaliland, Soomaaliya, dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, Ra’iisal-wasaaraha federaalka Soomaaliya, Ra’iisal-wasaarihii hore ee Soomaaliya, Madaxda Xisbiyada Siyaasadda ee Somaliland iyo Soomaaliya, kuwaas oo dhammaan ka sheekeeyey doorkii iyo taariikhdii uu Siyaasadda Soomaalida ku lahaa, waxaanay Allaah uga beryeen inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, samir iyo iimaan saadiq ahna ka siiyo, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo umadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayba.

Halkan ka Akhriso Taariikh nololeedkii Marxuum Cali Khaliif Galeydh.

Mustafe-Janaale

Hayaannews, Office

Email: hayaannewssom@gmail.com

Jigjiga, Ethiopia