Guddida Caafimaadka Ee HENTT Iyo Hay’ada HARADO Oo Hawlo Caafimaad Ka Hirgeliyay Magaalada Bander-Wanaag
October 8, 2019 - Written by admin
Bander-wanaag(Hayaannews): Waxaan
ugu horeyn aan mahadnaq aan la soo koobi karin, isla markaasna aan cid lala
wadaajin karin aan halkan uga mahad naqayaa Allaha Weyn ee waaxidka ah ee noo
suurto geliyey hawshan caafimaad ee samafalka ah in ay ka qabsoonto magaaladan
Bander-wanaag.
Mar labaadka waxaan halkan uga
mahadnaqayaa dhamaanba hawlwadeenada caafimaad ee haayada Harado Charity
Organisation. Khaasatan dhakhaatiirta HENTT iyo dhamaanba hawlwadeenada
caafimaad ee iyaguna ka hawl galay barnaamijkan caafimaad ee Haayada Harado oo
si baaxadaweyn uga qayb qaatay hawshan baadhitaanka caafimaad ee shalay ka
qabsoontay magaalada Bande-Wanaag…
Waxa kale oo aan si weyn ugu
mahadnaqayaa walaalkay Abdulhakim Shukri Jama oo isagana si weyn uga qayb
qaatay abaabulka iyo hawlgelida hawshan caafimaad ee ka qabsoontay
Bander-wanaag.
Waxa kale oo aan isna si weyn oo
aan la qiyaasi karin aan ugu mahadnaqayaa Wasiirkii hore ee arimaha gudaha
Somaliland, mudane Ali Maxamed Warancade oo casuumad weyn ugu sameeyey
gurigiisa ku yaala Bander-wanaag isagoo casuumadaas ku maamuusay dhakhaatiirta
goobta ka hawlgalaysay iyo dhamaanba marti sharaftii kale ee gobta ku sugnayd.
dadkaas oo kor u dhaafay ku dhawaad afartameeyo qof…
Waxa kale oo aan iyagana aan
mahadnaq gaar ah u jeedinayaa masuuliyiintii dawlada Somaliland ee goobta ku
sugnayd walaashay Marwo Aamina Maxamuud Diiriye oo ah madaxa samafalka ee
Dawlada Somaliland..
Waxaan ugu danbayntii aan halkan
uga mahadnaqayaa odayaasha dhaqanka, masuuliyiinta dawlada iyo saraakiisha
ciidanka qaranka Somaliland ee iyaguna safarkan nagu wehelinaayey ee uu ugu
horeeyo, oday Maxamed Faarax Caynaanshe, Taliye-Sare, Garaad Cali weyne, Taliye
Sare Ahmed Ali Gadhle iyo Taliye Ahmed Aw Osman Sheikh Timoweyne, Gudoomiyaha
Degmada Cadaadley Mudane Cumar Nuur iyo Gudoomiyaha degmada Sabawanaag, mudane
Cabdilaahi Caabi iyo dhamaanba marti sharaftii kale ee goobtaas ku sugnayd ee
aanan halkan ku soo koobi karin.. Dhamaantiin waan diin mahadnaqayaa….. A
VERY BIG THANK YOU ALL..
Ugu Danbayntii waxa haayada
HARADO ay soo dhagax dhigtay isla markaasna ay balan qaaday in ay wax ka qaban
doonto hawlaha hoos ku xusan, sida.
1) Xarun caafimaad oo ay yeelan
doonto magaalada Bander-Wanaag.
2) Dugsiga Bander-Wanaag oo
dhamaantiis la burburin doono isla markaasna si weyn oo balaadhan dib loogu
dhisi doono lagana dhigi doono dugsi boodhin ah oo ay magaaladu yeelato.
3) Riigii Biyaha siin jiray
magaalada Bander-Wanaag oo aanu ka soo diyaarinay warbixin dhamays
tiran.Dhankasta oo ay ahaataba, isla markaasna Riigaas dib loo hawl gelin
doono, anagoo la kaashan doonaa dalal badan, ilaahayna ka baryeyna in uu
niyadayada noo ajiibo, si magaaladu ay u hesho biyo ku filan dad iyo xoolo
intaba, hadii Allaha awooda lihi ogolaado,
4) Dugsiyo kala duwan oo Quraanka
lagu barto, xarumo caafimaad iyo Masaajido kala duwan oo laga hirgelin doono
goobaha kala ah sida Karinka iyo Kaynta Godan.
5) Wadada Weyn ee iska xidha Diinqal ilaa Bander-wanaag oo ay haayada Horn of Africa Relief & Development Organisation (HARADO) ay si toos ah uga hawl geli doonto, sidii wadadaas qabyada ah loo dhamays tiri lahaa mustaqbalka dhaw, hadii Allaha awooda lihi ogolaado.