Guddida Caafimaadka Ee HENTT Iyo Hay’ada HARADO Oo Hawlo Caafimaad Ka Hirgeliyay Magaalada Bander-Wanaag 


Bander-wanaag(Hayaannews): Waxaan ugu horeyn aan mahadnaq aan la soo koobi karin, isla markaasna aan cid lala wadaajin karin aan halkan uga mahad naqayaa Allaha Weyn ee waaxidka ah ee noo suurto geliyey hawshan caafimaad ee samafalka ah in ay ka qabsoonto magaaladan Bander-wanaag.

Mar labaadka waxaan halkan uga mahadnaqayaa dhamaanba hawlwadeenada caafimaad ee haayada Harado Charity Organisation. Khaasatan dhakhaatiirta HENTT iyo dhamaanba hawlwadeenada caafimaad ee iyaguna ka hawl galay barnaamijkan caafimaad ee Haayada Harado oo si baaxadaweyn uga qayb qaatay hawshan baadhitaanka caafimaad ee shalay ka qabsoontay magaalada Bande-Wanaag…

Waxa kale oo aan si weyn ugu mahadnaqayaa walaalkay Abdulhakim Shukri Jama oo isagana si weyn uga qayb qaatay abaabulka iyo hawlgelida hawshan caafimaad ee ka qabsoontay Bander-wanaag.

Waxa kale oo aan isna si weyn oo aan la qiyaasi karin aan ugu mahadnaqayaa Wasiirkii hore ee arimaha gudaha Somaliland, mudane Ali Maxamed Warancade oo casuumad weyn ugu sameeyey gurigiisa ku yaala Bander-wanaag isagoo casuumadaas ku maamuusay dhakhaatiirta goobta ka hawlgalaysay iyo dhamaanba marti sharaftii kale ee gobta ku sugnayd. dadkaas oo kor u dhaafay ku dhawaad afartameeyo qof…

Waxa kale oo aan iyagana aan mahadnaq gaar ah u jeedinayaa masuuliyiintii dawlada Somaliland ee goobta ku sugnayd walaashay Marwo Aamina Maxamuud Diiriye oo ah madaxa samafalka ee Dawlada Somaliland..

Waxaan ugu danbayntii aan halkan uga mahadnaqayaa odayaasha dhaqanka, masuuliyiinta dawlada iyo saraakiisha ciidanka qaranka Somaliland ee iyaguna safarkan nagu wehelinaayey ee uu ugu horeeyo, oday Maxamed Faarax Caynaanshe, Taliye-Sare, Garaad Cali weyne, Taliye Sare Ahmed Ali Gadhle iyo Taliye Ahmed Aw Osman Sheikh Timoweyne, Gudoomiyaha Degmada Cadaadley Mudane Cumar Nuur iyo Gudoomiyaha degmada Sabawanaag, mudane Cabdilaahi Caabi iyo dhamaanba marti sharaftii kale ee goobtaas ku sugnayd ee aanan halkan ku soo koobi karin.. Dhamaantiin waan diin mahadnaqayaa….. A VERY BIG THANK YOU ALL..

Ugu Danbayntii waxa haayada HARADO ay soo dhagax dhigtay isla markaasna ay balan qaaday in ay wax ka qaban doonto hawlaha hoos ku xusan, sida.

1) Xarun caafimaad oo ay yeelan doonto magaalada Bander-Wanaag.

2) Dugsiga Bander-Wanaag oo dhamaantiis la burburin doono isla markaasna si weyn oo balaadhan dib loogu dhisi doono lagana dhigi doono dugsi boodhin ah oo ay magaaladu yeelato.

3) Riigii Biyaha siin jiray magaalada Bander-Wanaag oo aanu ka soo diyaarinay warbixin dhamays tiran.Dhankasta oo ay ahaataba, isla markaasna Riigaas dib loo hawl gelin doono, anagoo la kaashan doonaa dalal badan, ilaahayna ka baryeyna in uu niyadayada noo ajiibo, si magaaladu ay u hesho biyo ku filan dad iyo xoolo intaba, hadii Allaha awooda lihi ogolaado,

4) Dugsiyo kala duwan oo Quraanka lagu barto, xarumo caafimaad iyo Masaajido kala duwan oo laga hirgelin doono goobaha kala ah sida Karinka iyo Kaynta Godan.

5) Wadada Weyn ee iska xidha Diinqal ilaa Bander-wanaag oo ay haayada Horn of Africa Relief & Development Organisation (HARADO) ay si toos ah uga hawl geli doonto, sidii wadadaas qabyada ah loo dhamays tiri lahaa mustaqbalka dhaw, hadii Allaha awooda lihi ogolaado.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland