Guddida Dhaqaalaha Ee Wakiillada Oo ka Warrbixiyey Miisaaniyada 2021

Hargeysa (Hayaannews)- Guddomiye ku xigeenka guddida dhaqaalaha ee golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye ayaa mudanayaasha golahaas uga warbixiyey odoraska miisaaniyadda dawladda ee sannadka 2021.

Wuxuuna xidhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye, sheegay in odoraska miisaaniyadu ka kooban yahay miisaaniyada dawladda dhexe, miisaanyadda hay’adaha madax bannaan ee dawladda, miisaaniyada dawladaha hoose, miisaaniyada sanduuqa horumarinta Somaliland ee ay gacanta ka geystaan qaadhaan bixiyeyaasha taageera Somaliland, miisaaniyada maamul daadejinta dawladaha hoose iyo mashaariicaha horumarineed ee uu wado bangiga adduunku.

Waxa kale, oo uu guddoomiye ku xigeenka guddida dhaqaalaha ee golaha wakiilladu xusay in miisaaniyadani tahay miisaaniyaddii sodonaad ee uu qaranka Somaliland yeesho, taas oo caddadkeedu dhan yahay sannadka 2021, laba tirilyan sideed boqol iyo kow iyo sideetan bilyan sagaal boqol iyo lix iyo toban milyan todoba boqol iyo afar iyo lixdan kun saddex boqol iyo saddex iyo sodon shillin Somaliland.

Sidoo kale, xidhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye, waxa uu tilmaamay in qaybaha ay kooban tahay miisaaniyaddu uu ka muuqdo korodh miisaaniyadeed oo ka badan kii sannadkan sii dhamaanaya ee 2020-ka, isaga oo sheegay in dakhligaasi ka soo xaroon doono kastamyada, cashuuraha bariga iyo ilaha dhaqaalaha ee dalka, waxayna guddida dhaqaalaha ee golaha wakiilladu gole weynaha ka codsadeen in la ansixiyo odoraska miisaaniyadda qaranka ee sannadka 2021-ka.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com