Guddida Doorashooyinka Somaliland Oo Digniin U Diray Ururrada Samafalka Ee Caalamiga Ah iyo Kuwa Maxalliga Ah

Hargeysa (Hayaannews)- Komishanka Doorashooyinka Qaranka, ayaa maanta soo saaray Warqad ay ku socodsiiyeen Dhammaan Ururrada ka shaqeeya Samofalka & Horumarinta ee Maxaliga ah kuwa Caalamiga ahba.

Guddiga Doorashooyinku waxa ay urrurada Samafalka ugu baaqeen inaanay ku dhex milmin ololaha doorashooyinka ee Xisbiyada Qaranka iyo Murashaxiintooda, sida ku xusan Xeerka Doorashada Xeer Lr. 91/2020 oo sheegaya in Urrurada Samofalka ay ka reebban inay u ololeeyaan Musharixiin gaar ah ama Axsaabta siyaasadda.

Qoraalka ka soo baxay KDQ ee lagu socodsiiyey Ururrada Samatal-falka, ayaa u qornaa sidan:-

“Ujeeddo: Ogeysiin

Komishanka Doorashooyinka Qaranka wuxuu idiinku wargelinaynaa in aanay ka qayb-qaadan Ololaha Xisbiyada & Musharaxiinta oo ay dhex ka ahaadan. Waxaa ka mamnuuca ah in shaqaalahooda iyo Gaadiidkoodu u Ololeeyaan Cid gaar ah.

Sidaas darteed, cid kasta oo ay ku cadaaddo in ay ka baxeen dhexdhexaadnimadii ama cid gaara gacan siinaya waxaa laga qaadayaa talaabo sharci ah.” Sidaas ayaa lagu sheegay warqadda ay KDQ ku socodsiiyeen Ururrada Caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

 

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com