Guddida Fulinta Xisbiga WADDANI Oo Cod Aqlabiyad Ah ku meel-mariyay Wax Ka Bedelka iyo Kaabista Xeerka Xisbiga.

Shirweynaha Xisbiga WADDANI Oo Si Weyn Loo Dhur-sugayo.

Hargeysa(Hayaannews): Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxmaan-Cirro) ayaa maanta guddoomiyay shirkii u dambeeyay ee Guddida Fulinta Xisbiga oo ka qabsoomay Xarunta Dhexe ee Xisbiga ee Magaalada Hargeysa.

Fadhiga Guddida fulinta waxa war-bixin ku saabsan shirweynaha labaad lagaga dhegaystay Guddida Qaban-qaabada shirweynaha waxaanu guddoomiyaha guddida Mudane Ismaaciil Yare sheegay in hawlaha shirweynuhu si habsami ah u socdaan.

Sida oo kale waxa Guddida Fulinta loo akhriyay wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyay xeerka Xisbiga waxaanay Guddida Fulintu cod aqlabiyad ah ku meelmarisay wax ka bedelka iyo kaabista xeerka Xisbiga oo Shirweynaha 2-aad ee Xisbiga lagu ansixinayo 15-16 Nocember 2021.

Mustafe Abdi Maxamed (#Mustafe_Janaale)

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net

oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com