Guddiga Doorashada Oo Golaha Guurtida U Cadeeyay Inaanay Doorashada Wakiiladu Qabsoomi Karin December 2019

Hargeysa(Hayaannews)- Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay in komishanka doorashooyinku uu u sheegay in aanay doorasho wakhtigeedii ku qabsoomayn.

Doorashada golaha wakiilada ayaa loo qoondeeyay inay qabsoonto 12 December ee sannadkan 2019.

Guddoomiye Saleebaan ayaa si kooban u sheegay in warka keliya ee ay komishanka oo ay xogwaraysi ugu yeedheen uu u sheegay uu yahay in aanay doorashadii wakhtigii loo qoondeeyay ku qabsoomayn, waxaana isaga oo arintan ka hadlaayay uu yidhi “ Waxay kordhiyeen oo aan ahayn doorasho ma qabsoomaysana may jirin, eediina waxay saareen labada gole, madaxweynaha iyo asxaabta, waxna waa ay ka jiraan.”

Guddoomiyaha komishanka doorashooyinka Cabdiqaadir Iimaan ayaa dhankiisa sheegay inay guurtida la yeesheen kulan caadi ah oo ay xogwaraysi ku doonayeen , isla markaasn ay siiyeen xogtii ay uga baahnaayeen ee arimaha dorashooyinka la xidhiidhay “Waa shaqadii caadiga ahayd ee ka dhaxaysay haayadaha dawliga ah ee ugu sareeya qaranka golaha noo yeedhay, waanu is xogwaraysanay waanuna is fahanay, xog baanu siinay iyaguna xog ayay na siiyeen, is fahan ayaanuna halkaas ku kala tagnay iyo in doorashada sidii ay ku mudeeyeen loo galo.”