Guddiga Madasha Kobcinta Dhaqaalaha Degmadda Laascanood Oo Shir Yeeshay

Laascaanood (Hayaannews):Gudida madasha Kobcinta Dhaqaalaha ee degmada Laascanood ayaa maanta shir yeeshay

Shirkaasi oo ka qabsoomay xarunta dawladda hoose waxaa ka qayb galay Maayarka Laascaanood C/casiis Xuseen Maxamed, badhasaab ku-xigeenka gobolka Sool Saleebaan Diiriye Cabdi, iyo guddiga madasha dhaqaalaha ee degmadda Laascaanood.

Waxaana shirkaasi guddoominayay maayarka Laascaanood C/casiis Taarwale. Iyadoo shirkaasi lagu doortay sagaal xubnood oo si ku meel gaadh ah u hogaamin doonna guddigaasi.

Ilaa inta la soo dhamaystirayo tiradda loo qoondeeyay in guddigaasi noqdaan oo ka kooban 35 xubnood.

Shirkani ayaa ku saabsanaa sidii Madasha horumarinta iyo kobcinta dhaqaalaha ee magaaladda Laascaanood ay mustaqbalka u gaadhsiin lahayd horumar dhinac kasta leh.