Guddoomaha Xisbiga UCID Cambaareyey Xadhiga Jilaa Idiris Ilig, Baaqna U Diray Madaxweyne Biixi

Hargeysa(Hayaannews): Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa cambaareeyey Xadhiga jilaaga Idiris Iliga (Sayidka Barakeysan), isaga oo ku tilmaamay sharci jebin iyo xoriyatul-qawlkii oo meel lagaga dhacay.

Jilaa Idiris Iliga ayaa Xabsiga loo taxaabay, kadib markii uu metelay ruwaayad uu ku durayo Xukuumadda Madaxweyne Biixi.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe  waxa uu sidaa ku sheegay mar uu maanta u waramayay qaar ka mida Saxaafadda, isaga oo arrimaha ka hadlayana waxa uu yidhi”Xadhiga lagu xidhay dhalinyaradii sheekadii qosolka ahayd samaysay, ee matalaysay dowlad aan waxba qaban, waxyaabaha aynu iibino waxa kamid ah doorashooyinka, nabada iyo xoriyatul qowlka, hadii cid la xidhayo waxa fiicnayd in la xidho kuwa qabyaalada ku hadlaya, ee salaadiinta sheeganaya”

Md. Faysal Cali Waraabe waxa uu fariin u diray Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi waxaanu yidhi
“Inamo yar yar oo riwaayad sameeyay marka la yidhaa waala xidhay, xoriyatul qowlkii ayaa meel lagaga dhacay, dastuur keenuna wuu kasoo horjeedaa, madaxweynaha waxan ka codsanaya in dhalinyarada la soo daayo, xadhiga aan loo aabo yeelayna la joojiyo”

Jilaaga Sayidka Bareyksan ayaa ah jilaa dadku aad u wada jecel yihiin hab-jilistiisa. Muddooyinkii ugu danbeeyey ayaa waxa soo badanaya xadhiga soo noqnoqdonaya ee lagu xidh-xidhayo Suxufiyiinta iyo hal-abuurka ee ay caaddeysatay Xukuumadda Madaxweyne Biixi, kaas oo ah sifo sharci-darro ah.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Mustafe_Janaale(#MJ)

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com