’’Guddoomiyaha Aqalka Sare Wuxuu U Muuqdaa Hoggaamiye Mucaarid Ah….” Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Mohamed


Muqdisho(Hayaannews): Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guulleed Khadar ayaa guddoomiyaha Aqalka sare ku tilmaamay in uu yahay hoggaamiye mucaarid ku ah dowladda inteeda kale, oo bilihii u danbeeyey si is-daba jooga u soo saarayay qoraalodawlada ka dhan ah  

“Waad arkeysaanoo Aqalka sare muddo ma fadhiisan, sharciyo loo baahnaa in la laga dooddo oo ka soo gudbay Golaha Shacabka ayaan laga dooddin, awoodii Golaha Baarlamaanka ama sharci dejinta ayuu wiiqay ayuu yidhi ‘’ Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka dalka oo eedeyntan u jeediyay guddoomiyaha Aqalka sare.

Mahdi Guulleed ayaa sidoo kale ku eedeeyay guddomiyaha Aqalka sare in uu fadhiid ka dhiggay golihii aqalka sare oo in muddo ahba aan kulmin, islamarkaana ay jirto cabasho ay mudanayaashu ka muujinayaan.

Cabdi Xaanshi Cabdullaahi ayaa qoraal shalay ka soo baxay ku eedeeyay xukuumadda in Guddiyadan doorashada ay soo magacowday lagu kalsoonaan karin kuwaa oo sida uu hadalka ku dhigay intooda baddan laga soo xulay xafiisyada dowladda iyo hay’adda Nabad-sugida Qaranka.

Waxaa sii xoogeysanaya khilaafka dhinaca sharciga ah ee u dhaxeeya Xukuumadda Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaanshi Cabdullaahi oo si weyn uga biyo diiday guddiyada doorashada oo ay dowladdu magacowday.

Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar)

Hayaannews, Office

Muqdiso, Soomaaliya

Email: Hayaannewssoma@gmail.com