Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Oo Fariin U Direy Madaxweynaha Cusub Ee Soomaaliya

“Cadhada aad muujiseen hay noocelinina,Dib Ayay Inoo Dhigaysaa,..”Saleebaan Maxamuud Aadan.

Hargeysa(Hayaannews): Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ugu baaqay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya inuu colaada daadkiisa ka saaro, isaga oo ku dooday inaanay wax colaad ah u haynin.

Sidaa waxa uu ka sheegay mar uu caawa ka hadlayay Munaasibadii loogu dabaal-dagayay Xuska sannad-guuradii 31aad ee ka soo wareegtay markii Somaliland xorrnimada dib ula soo noqotay ee 18 May

Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan oo ka hadlayay inaanay Xisbiyada Mucaaridka Somaliland ee UCID iyo WADDANI ka soo qeybgelin Munaasibadii casho sharafta ahayd ee caawa loogu dabaal-dagayay Xuska maalinta qaranimada Somaliland ee 18 May oo caawa lagu qabtay qasriga Madaxtooyada ayaa waxa uu yidhi “Cadhada aad muujiseen hay noocelinina,Dib Ayay Inoo Dhigaysaa,..”

“Soomaaliya Madaxweyne cusub ayay dooratay oo ah Xasan Sheekh Maxamuud waxaan leeyahay Colaadii aad dadkiina geliseen Ka saara codlaad idiinma Hayno”.Ayuu yidhi Saleebaan Maxamuud Aadan oo la hadlayay Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Mustafe_Janaale

Hargeisa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com