Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Oo Ka Hadlay Laba Qof Oo Ciidanku Ku Dileen Laascaanood Iyo Gadoodkii Shacabka  

Hargeysa(Hayaannews): Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa  caawa ka hadlay geerida labadii qof ee Ciidamadu ku dhintay maanta Laascaanood oo uu ku tilmaamay inay ka danbeysay, kadib markii ay shacabku ka gadoodeen dilkii dableyda aan la aqoonsanin xalay ku dileen Alle ha u naxariiste Marxuum Cabdifataax Cabdilaahi Cabdi-Hadraawi oo ka mid ahaa dhalinyarada aqoonyahanka ah ee haldoorka iyo labeenta u ahaa bulshada reer somaliland gaar ahaan gobolka Sool.
Cabdirisaaq Khaliif waxa uu sidaa ku sheegay qoraal uu caawa soo saaray oo nuqul ka mida ay heshay Shabakada Wararka ee Hayaannews, waxaanu dhignaa sidan:

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada oo tacsi u diray labadii qof ee Maanta ku dhintay isku soo baxii lagaga soo hor jeeday dilkii ka dhacay Magaalada Laascaanood.

“Gudoomiyaha Golaha Wakiilada JSL Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed wuxuu ka Tacsiyeynayaa ehelkoodii, qaraabadoodii iyo bulshada reer Laascaanoodba dhalinyaradii 2da ahaa ee maanta ku dhintay isu soo bixii iyo gadoodkii shacabku ka gadoodeen Dilkii dabley aan la aqoonsani ku dileen Alle Naxariistii Jano ha ugu deeqee Marxuum Cabdifataax Cabdilaahi Cabdi-Hadraawi oo ka mid ahaa dhalinyarada aqoonyahanka ah ee haldoorka iyo labeenta u ahaa bulshada reer somaliland gaar ahaan gobolka Sool.

Sidoo kale waxaan Rabbi u waydiinayaa inuu u boogo dhayo caafimaad degdegana ugu deeqo dadkii maanta ku dhaawacmay dhacdadaas.”