Guddoomiyaha Golaha Wakiilladda Somaliland Oo Dhagax Dhigay Dhismaha Xarunta Madaxtooyadda Ee Magaaladda Laascaanood

Laascaanood(Hayaannews):- Guddoomiyaha golaha wakiilada JSL oo ay weheliyaan xubno katirsan xukuumadda ayaa dhaggax dhigay dhismaha xarunta madaxtooyada ee magaalada Laascaanood.

Sida uu ku waramayo Wariye Liibaan Qaran. Maamulka gobolka Sool iyo kan degmada Laascaanood, Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland iyo agaasimaha madaxtooyada ayaa dhaggax dhigaas goobjoog ka ahaa.

Meeyarka magaalada Laascaanood Cabdicasii Xuseen Taarwale ayaa madaxweynaha JSL Somaliland Muuse Bixii Cabdi iyo cidkasta oo gacan ka gaystay uga mahad celiyay dhismaha xarunta madaxtooyada ee gobolka Sool.

Guddoomiyaha gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe ayaa sheegay in dhismahaasi dhinac kata uu u noqon doono 1 km isago bilic iyo magaalayn soo kordhin doona.