Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland oo Lagu Qaabilay Xarunta Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee ICC
February 15, 2019 - Written by editor editor
Jaaliyadda Somaliland ee dalka Holland oo xaflad soo
dhawayn ah u sameeyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare
Hargeysa (Hayaannews)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed oo toddobaadkii u dambeeyey safar shaqo ugu maqnaa dalka Holland ee qaaradda Yurub, ayaa lagu soo dhaweeyey Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee ICC (International Criminal Court) ee xarunteedu tahay magaalada The Hague ee dalkaas.
Guddoomiye Aadan Xaaji Cali Axmed oo dib ugu
soo laabtay Caasimadda Hargeysa shalay, kadib markii uu soo dhammaystay
safarkiisa shaqo, ayaa qoraal uu soo saaray ku faahfaahiyey booqashada uu ku
tegay Xarunta Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah, halka sidoo kale ay
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare xaflad soo dhawayn ah u sameeyeen Jaaliyadda reer
Somaliland ee dalka Holland.
Qoraalka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee
Somaliland oo faahfaahsan waxa uu u qornaa sidan; “Guddoomiyaha Maxkamadda Sare
ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa lagu soo dhaweeyey
Xarunta Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee ICC (International Criminal Court)
oo xarunteedu tahay magaalada The Hague ee dalka Netherlands (Holland), iyadoo
ay Maxkamaddani qaabilsan tahay dacwadaha khuseeya dambiyada caalamiga ah ee la
xidhiidha falalka xasuuqa ah, dambiyada ka dhanka bani’aadanimada iyo dambiyada
dagaalka.
Waxa ku soo dhaweeyay saraakiil sare oo ka
tirsan Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee ICC oo ay ka mid yihiin;
Mr. Xavier Jean Keita oo ka tirsan xafiiska
difaaca (Principal Counsel for the Defence Office) ee Maxamadda ICC
Mrs. Marie O’Leary oo ka mid ah waaxda
talo-bixinta dadweynaha ee xafiiska difaaca Maxkamadda ICC (Counsel for the
Office of Public Counsel for the Defence – (OPCD)
Iyo Aze Kerte oo ka tirsan hawlwadeennada
Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee ICC.
Masuuliyiinta iyo Hawlwadeennada Maxkamadda
ICC, waxa ay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland soo tuseen, soona
mariyeen qaybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Maxkamadda ICC. Waxa kaloo ay
u sharxeen, una soo bandhigeen qaabka ay u shaqayso, qaybaha kala duwan ee ay
ka kooban tahay iyo guud ahaan xogo faahfaahsan oo khuseeya Maxkamadda
Dambiyada Caalamiga ah ee ICC.
Guddoomiyaha
Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa isna dhinaciisa uga
mahadnaqay sida fiican ee ay ugu soo dhaweeyeen xarunta Maxkamadda ICC, isagoo
u sharxay hannaanka shaqo garsoorka Jamhuuriyadda Somaliland, qaybaha kala
duwan ee uu ka kooban yahay, shaqada fiican ee ay u hayaan bulshada iyo guud
ahaanba xogaha ku saabsan dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaannu u iftiimiyey
in isbeddel muuqda oo la taaban karo ay ka hirgeliyaan bahda caddaaladda
Somaliland oo ay ugu horeeyaan Maxkamadaha Somaliland.
Geesta kale, jaaliyadaha iyo dadka
qurbo-jooga reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Holland (Netherlands) oo ay
hormuud u yihiin Guddoomiyaha Jaaliyadda Holland iyo Guddoomiyaha Guddida
Qabanqaabada xuska maalinta qarannimada Somaliland, ayaa xaflad soo dhawayn ah
u sameeyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali Axmed,
iyadoo uu uga mahadnaqay qurbo-joogga Somaliland sida fiican ee ay soo dhaweeyeen,
waxaannu uga xog-waramay xaaladda guud ee dalka, isagoo ku dhiirigeliyey inay
sii labanlaabaan dedaalka ay ugu jiraan horumarka dalkooda hooyo ee
Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxa
kaloo uu Guddoomiyuhu kala hadlay sidii iskaashi buuxa looga dhex abuuri lahaa
garsoorka Somaliland iyo Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee ICC, gaar ahaan
sidii ay garsoorayaasha, Xeer-ilaaliyeyaasha, qareennada iyo hawlwadeennada
kale ee bahda Garsoorka Somaliland uga faa’iidaysan lahaayeen aqoonta ay hayso
Maxkamadda ICC, isla markaana ay tababaro iyo duruus aqoon-korodhsi ah ugu
qaadan lahaayeen Xarunta Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee The Hague,
Holland.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu saraakiisha Maxkamadda ICC ka guddoomay dhukumantiyo ka kooban dhammaanba xeerarka kala duwan ee ay ku shaqayso Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee ICC iyo macluumaadyo kale oo khuseeya Maxkamadda ICC, kuwaasoo lagala soo dhex bixi karo aqoon iyo cilmi khuseeya shaqooyinka garsoorka Somaliland.