Guddoomiyaha Ururka Mareegaha Ee SOMA Oo Tacsi U Direy Ali Jamac Mohamed Oo Walaalkii Marxuum Cabdilaahi Jaamac Mohamed Oo Geeriyooday.

Hargeysa(Hayaannews): Guddoomiyaha Ururka Mareegaha Somaliland ee Somaliland Online Media Association (SOMA), Mustafe Cabdi Maxamed (Mustafe-Janaale)  ayaa waxa uu tacsi tiiraanyo leh u diraya  Saaxibkay #Ali Jama Mohamed oo walaalkii Marxuum Cabdillaahi Jaamac Maxamed maanta oo ay taariikhdu ahayd 15.12.2020 ku geeriyooday Cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa.

Marxuumku waxa uu ahaa nin wanaagsan oo dad jecel oo ehlu cibaado ah ILAAHAY qabriga ha u nuuriyo dhamaanteena Samir iyo iimaan ha inaga siiyo.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Saaxibkay Ali Jama Mohamed oo Walaalkii Marxuum Cabdilaahi Jaamac Maxamed oo maanta oo ay taariikhdu ahayd 15.12.2020 ku geeriyooday Cisbitaalka Magaalada Hargeysa, kadib markii uu muddooyinkii ugu danbeeyey ahaa bukaan jiif.

Marxuumku waxa uu ahaa in wanaagsan oo dad jecel oo ehelu cibaado ah, Qoyskii, Ehaladii, Qaraabadii iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ha inaga siiyo.”Ayuu yidhi Guddoomiyaha Ururka SOMA Mustafe-Janaale  dhambaal tacsi ah soo saaray.

#Mustafe_Janaale

#Hayaannews