Guddoomiyaha Ururka Mareegaha Somaliland Ee SOMA Oo Soo Dhaweeyey In Xorriyadiisi Loo Soo Celiyay Mulkiilalaha Telefiishanka Astaan TV.

 Hargeysa(Hayaannews): Guddoomiyaha Ururka Mareegaha Somaliland ee Somaliland Online Media Association (SOMA) Mustafe Cabdi Maxamed (Mustafe-Janaale) ayaa soo dhaweyey in maanta xorriyadiisi loo soo celiyay Mulkiilaha Telefiishanka AStaan Cable TV Cabdimannaan Yuusuf, kadib markii uu xidhnaa 146-Maalmood.

“Waxaan farxad noo ah haddii aanu nahay Ururka Online-ka Somaliland ee SOMA inuu maanta xorriyadiisi loo soo celiyay Mulkiilaha Telefiishanka AStaan Cable TV Cabdimannaan Yuusuf, oo ku xidhnaa Caasimada Hargeysa muddo dhan 146-maalmood sifo sharci-darro ah. ILAAHAY ayay mahadii u sugan tahay inuu xorriyadiisi helo muwaadinka Soomaaliyeed ee xorriyadiisa loo soo celiyay……”Ayuu yidhi Mustafe-Janaale.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Waxaan ku bogaadinayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi inuu Cafis madaxweyne ku soo daayay Mulkiillaha Astaan Tv Cabdimanaan YuusuF oo uu helay xorriyadiisi, iyada oo maanta ku beegnayd maalinta xorriyada adduunka”

Soo daynta Mulkiillaha Astaan Tv Cabdimanaan Yuusuf ayaa ka danbeysay, kadib markii uu Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu cafis u fidiyey sida ay sheegeen ehelkiisu.

Cabdimanaan Yuusuf ayaa hore Maxkamadi ugu ridday xukun dheer iyo ganaax lacageed, ka dib markii Xeer-ilaalinta Somaliland ku eedaysay arrimo ay ka mid yihiin basaasnimo.

Waxaana Maxkamaddu sidoo kale soo saartay xukun ah in la xayiro Telefiishankiisa Astaan, laakiin Maanta ayaa Cabdimanaan la siidaayey ka dib markii uu Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi uu cafis u fidiyey.

Mulkiillaha Astaan Tv Cabdimanaan Yuusuf ayaa la xidhay 17 bishii Julaay sanadkan

Waa kuma Cabdimanaan?

Cabdimanaan Yuusuf Maxamed oo ah ganacsade wuxuu ku dhashay magaalada Beledweyne ee gobalka Hiiraan, horaantii sideetameyadii, isla gobalkaas ayuuna ku soo qaatay waxbarashadiisa hoose ka dibna wuxuu u wareegay magaalada Muqdisho oo waxbarashada sare uu ku qaatay, sidaas waxaa BBC-da u sheegay madaxa dhanka wax soo saarka ee Astaan TV Maxamed Cabdiwali, oo in muddo ah ay isla shaqeynayeen.

Intaas ka dib magaalo xeebeedka bariga dalka Sudan ee Port-Sudan ayuu jaamacad u aaday. Wuxuu jaamacadda dhameeyay sannadkii 2005-tii.

Ka dib markii Jaamacadda uu dhameeyay wuxuu ku laabtay Dawlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, isaga oo la shaqa bilaabay wasaaradda biyaha ee deegaanka, wuxuuna shaqadaas ku jiray tan iyo sannadkii 2008-dii.

Sannadkii 2009-kii ayuu Cabdimanaan tagay dalka Kenya oo uu ka aas-aasay shirkada dhanka warbaahinta ah oo la yiraahdo HornConnect, oo sannadkii 2011-kii ka howlgashay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, isaga ayaana maamule ka ahaa tan iyo sannadkii 2014-kii.

Shirkadda HornConnect ayaa aheyd shirkad la shaqeysa warbaahinta dibadda oo muuqaallo iyo waxyaabo kale u duubta warbaahinta.

Siduu ku bilaabay Shirkadda Astaan TV?

Ganacasde Cabdimanaan wuxuu isla sannadkii 2014-kii ku biiray shirkad la oran jiray Access TV oo magaalada Muqdisho ka shaqeyn jirtay taas oo sannadkii 2017-kii isbedal lagu sameyay loona rogey Astaan·

Shaqo doonkii Muqdisho ee toban bilood ka hor oo hadda dadka shaqo siiya

Wiil ‘Astaan’ u noqdey shaqo la’aanta ka jirta Soomaaliya

Astaan waa warbaahin maxali ah, waxaana ay leedahay kanaallo dhowr ah oo laga baahiyay barnaamijyo kala duwan oo aan siyaasad ku jirin.

Sida uu ku sheegay waraysiga BBC-da madaxa dhanka wax soo saarka ee Astaan TV, Maxamed Cabdiwali, kanaallada waa sideed, waxaana ka baxa barnaamjiyo kala duwan sida:

Ciyaaraha – Kanaal gaar ah oo laga baahiyo ciyaaraha

Arrimaha diinta – Qeyb si gaar ah looga daawado arrimaha diinta

Barnaamijyada carruuta

Muusiga – Kanaal laga daawado heesaha iyo fanka

Filimaanta – Kanaallo laga kala daawado aflaanta Bollywood, Hollywood iyo kuwa kale oo ay Astaan turjuntay

Riwaayadaha

Arrimaha caafimaadka

Waxbrashada

“Waxaan wax la taaban karo ka qabanay Muusiga Soomaalida. Markaad hadda eegto baraha bulshada, waxa ugu badan ee fanka ku saabsan oo sannadkaan Soomaaliya laga sameyay, Astaan ayaa sameysay, marka wax la taaban karo ayaan howlahaas ka qabnay”, ayuu yiri Maxamed Cabdiweli.

Wuxuu intaa ku daray: “Guud ahaan hadda qaabka aan u shaqeyno inkastoo ay gudaha tahay haddana waxaan ku rajo weynahay in aan gaarsiino meel walba oo ay Soomaali joogto.”

Sidoo kale wuxuu sheegay in Cabdimanaan uu horumar ka gaaray hadafkiisa warbaahinta Astaan oo hadda xarumo ku leh magaalooyinka Muqdisho, Hargeysa iyo Magaalada Beledweyne oo hadda si kooban ay uga howlgalaan.

Sidoo kale madaxa dhanka wax soo saarka ee Astaan TV, ayaa sheegay in Cabdimanaan Yuusuf Maxamed oo ah maamulaha Astaan uu shaqo abuur u sameeyay dhalinyaro tiro ahaan ka badan afar boqol (400), kuwaas oo ka howlgala qaybaha kala duwan ee barnaamijyada ka baxa laamaha TV-ga Astaan.

 

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com