Guddoomiyaha Ururka SOMA Oo Ku Bogaadiyay Bahda Saxaafadda Online-ka Munaasibada Ciidal-Adxada.

“Bahda Saxaafadda Online-ka Somaliland ee SOMA Waxaan u rajeynayaa inay sannadkan sannadkiisa ku gaadhaan bash bash iyo barwaaqo..” Gudoomiye #Mustafe_Janaale

Hargeysa(#SOMA)- Guddoomiyaha Ururka Warbaahinta Online-ka Somaliland ee Somaliland Online Media Association (#SOMA), Mustafe Abdi Mohamed (Mustafe-Janaale)  ayaa guud ahaan shacabka reer Somaliland gudo iyo dibad-ba iyo umadda Islaamka meel ay joogaanba ku hambalyeeyay,munaasibadda  Ciida Barakaysan ee Ciidal Adxada  awgeed oo ku asteysan maalinta beri oo Salaasa taariikhduna tahay 20.7.2021.

Guddoomiye Mustafe-Janaale, isagoo Bahda Saxaafadda Online-ka la  wadaagaya farxadda ciidda waxa uu  ILAAHAY ka  baryayaa inuu inaga yeelo inta uu ka Aqbalo cibaadadii iyo soonkii aynu soo gudanay bishii barakaysnayd ee Ramadaan, innagana   uu naarta  innagga xorreeyo.

“Waxaan Shacabka reer Somaliland iyo Bahda Saxaafadda Online-ka Somaliland ee SOMA u rajeynayaa inay sannadkan sanadkiisa ku gaadhaan bash-bash, Barwaaqo, Nabadgelyo iyo horumar lagu badhaadho”.Ayuu yidhi Guddoomiye Mustafe-jannaale.

Guddoomiyuhu waxa uu dhambaalkiisan ugu duceeyay inta dhibaataysan ee caafimaad darro awegeed aan awoodi karaynin inay farxada inala Ciidaan waxaanu ILAAHAY uga beryay inuu ka dulqaado xanuunka, caafimaad taamana ugu badalo. “Waxaan ugu duceynayaa Bahda Saxaafadda Somaliland, gaar ahaan Ururka Warbaahinta Online-ka Somaliland ee Somaliland Online Media Association (#SOMA), inuu ILAAHAY ciidan ciideeda innagu gaadhsiiyo bash bash iyo barwaaqo iyo horumar waara…waxaan ugu baaqayaa bahda Saxaafadda Somaliland inay isa-saamaxaan isla markaana u midoobaan horumarka…”.Ayuu yidhi Mustafe-janaale.

“CIID MUBAARAK … CIID MUBAARAK ….. CIID MUBAARAK…… “KULLU CAAM WA-ANTUM BIL KHAYR”

https://www.facebook.com/somaorgonline

https://twitter.com/Somaorgonline

Email: somajournalism@gmail.com

#Ururka_SOMA

#Somaliland