Guddoomiyaha Ururka SOMA Oo Ku Bogaadiyay Bahda Saxaafadda Online-ka Munaasibada Ciidal-Fidriga, Baaqna U Direy Madaxweynaha Somaliland

“Bahda Saxaafadda Online-ka Somaliland ee SOMA waxay ugu baaqaysa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi inuu sida ugu dhakhsaha baddan Xorriyadoodii ugu soo celiyo Suxufiyiinta Xidh-xidhan” Gudoomiye #Mustafe_Janaale

Hargeysa(#SOMA)- Guddoomiyaha Ururka Warbaahinta Online-ka Somaliland ee Somaliland Online Media Association (#SOMA), Mustafe Abdi Mohamed (Mustafe-Janaale) ayaa guud ahaan shacabka reer Somaliland gudo iyo dibad-ba iyo umadda Islaamka meel ay joogaanba ku hambalyeeyay,munaasibadda Ciida Barakaysan ee ciidal-fidriga awgeed oo ku asteysan maalinta beri oo isniina taariikhduna tahay 2.05.2022.

Guddoomiye Mustafe-Janaale, isagoo Bahda Saxaafadda Online-ka la wadaagaya farxadda ciidda waxa uu ILAAHAY ka baryayaa inuu inaga yeelo inta uu ka Aqbalo cibaadadii iyo soonkii aynu soo gudanay bishii barakaysnayd ee Ramadaan, innagana uu naarta innagga xorreeyo.

“Waxaan Shacabka reer Somaliland iyo Bahda Saxaafadda Online-ka Somaliland ee SOMA u rajeynayaa inay sannadkan sanadkiisa iyo sannado kale-ba ku gaadhaan bash-bash, Barwaaqo, Nabadgelyo iyo horumar lagu badhaadho”.Ayuu yidhi Guddoomiye Mustafe-jannaale.

Guddoomiyuhu waxa uu dhambaalkiisan ugu duceeyay inta dhibaataysan ee caafimaad darro-awgeed aan awoodi kareynin inay farxada inala Ciidaan waxaanu ILAAHAY uga beryay inuu ka dulqaado xanuunka, caafimaad taamana ugu badalo. “Waxaan ugu duceynayaa Bahda Saxaafadda Somaliland, gaar ahaan Ururka Warbaahinta Online-ka Somaliland ee Somaliland Online Media Association (#SOMA), inuu ILAAHAY ciidan ciideeda iyo ciido kaleba innagu gaadhsiiyo bash bash iyo barwaaqo iyo horumar waara…waxaan ugu baaqayaa bahda Saxaafadda Somaliland inay isa-saamaxaan isla markaana u midoobaan horumarka…”.Ayuu yidhi Mustafe-janaale.

“Waxaan ugu baaqay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi inuu Saddexda Weriye ee uu ka midka yahay Maxamed Cabdi Sheekh “ILIG” ee muddada xidhan sida ugu dhakhsaha baddan ugu soo celiyo xoriyadoodii,”.

“CIID MUBAARAK … CIID MUBAARAK ….. CIID MUBAARAK…… “KULLU CAAM WA-ANTUM BIL KHAYR”

https://www.facebook.com/somaorgonline

https://twitter.com/Somaorgonline

Email: somajournalism@gmail.com

#Ururka_SOMA

#Somaliland