Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Oo Laga Helay Virus-ka COVID 19
October 23, 2020 - Written by admin
Hareysa(Hayaannews): Guddoomiyaha
xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro) ayaa
sheegay in laga helay COVID 19
Sidaa waxa uu ku
sheegay qoraal uu soo saaray oo heshay shabakada Hayaannews, waxaanu
guddoomiyuhu ku sugan yahay dibada.
“ALXAMDULILLAAH calaa kulli xaal, maanta waxa la iga helay Corona Virus [covid19] baadhis kaddib. Waxa aan ku jiri doonaa karantiin-iskay ah oo toddoba maalmood ah sida dhakhtarku ku taliyey. Caafimaadkayguna aad buu u fiican yahay.” Guddoomiye Cirro