Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Oo Sheegay Inuu Garab Taagan Yahay Saxaafadda Somaliland
November 25, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Hayaannews): Guddoomiyaha
Xisbiga Mucaaradka ah WADDANI mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro),
ayaa ballan qaaday inuu garab taagan yahay Saxaafadda Somaliland iyo
Weriyeyaashaba,
ka dib kulan dhex maray
Guddoomiyaha, Masuuliyiinta Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA iyo Qaar ka
mid ah Weriyayaasha ka hawl gala Magaalada Hargeysa.
Weriyeyaasha ayaa
Guddoomiyaha la wadaagay walaaca ay ka qabaan wareegtooyin ka soo baxay
Wasiirka Warfaafinta oo caqabad ku noqon kara xoriyadda hadalka iyo madax-
bannaanida warbaahinta Somaliland
Guddoomiye Cirro ayaa
tilmaamay in ay Saxaafaddu door weyn kaga jirto dimuqraadiyadda iyo horumarinta
dalka,
Waxaanu xusay in ay ka xun yihiin wixii sharciga baal marsan ee lagula kacdo Warbaahinta.