Guddoomiye Cabdiraxmaan-CIRRO Oo Booqday Suldaanka Guud Beelaha ARAB Suldaan Cumar Suldaan Maxamed.

Hargeysa(Hayaannews); Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan-CIRRO) iyo Masuuliyiin kale oo Xisbiga ah ayaa galabta ku booqday aqalkiisa Suldaanka guud ee Beelaha ARAB Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo muddooyinkii ugu danbeeyey Xaalad Caafimaad-darro u jiisay.

Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro ayaa waxa uu ugu duceeyey Suldaan Cumar Suldaan Maxamed inuu ILAAHAY Caafiyo oo uu xanaanka ka dul-qaado, dhammaan umadda muslimiinta iyo reer Somaliland-ba u soo duceeyaan Sudlaanka.

Booqashadan Guddoomiyaha ayaa waxa ku wehelinayay Masuuliyiin ay ka id yihiin Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi, Afhayeenka Xisbiga WADDANI Barkhad Jaamac Batuun iyo Xoghayaha Ciyaaraha Xisbiga Waddani Yuusuf Nuux Yuusuf Iyo Masuuliyiin kale.

Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax ayaa la filayaa in maalmaha soo socda Xaalad Caafimaad loogu qaado dalka dibadiisa.

 

 

#Mustafe_Janaale

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com