Guddoomiye Daa’uud Oo Digniin U Diray Ardayda U Fadhiisan Doonta Imtixaanka Shahaadiga ah

Hargeysa (Hayaannews) Guddoomiyaha xafiiska imtixaanadka Qaranka Somaliland mudane Daa’uud Axmed Faarax, ayaa si rasmiya u shaaciyay in 19/6/2021 in loo fadhiisan doono imtixaanka shahaadiga ah.

Sidoo kale guddoomiyuhu waxaa uu sheegay in ardayda imtixaanka sannadkan u fadhiisanaysa ay dhan yihiin 46-kun.

Guddoomiye Daa’uud isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu intaas ku daray in sannadkan ardayda walwal badani ka haysto gelista imtixaanka, taas oo uu sabab uga dhigay in ay wax ku soo marteen xilli adag oo uu dalka ka jiray xannuunka safmarka ah ee Covid-19.

Dhanka kale waxaa uu ka digay in ardaydu ay soo qaataan telefoonada gacanta ee loo yaqaano Smart Phons-ka, kuwaas oo uu sheegay in ay yihiin halka cadaaladd-darada koobaad ka bilaabanto.

Gudoomiye Daa’uud oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi.“19/6/2021-ka haddii ILLAAHEY yidhaaho ayaa Somaliland oo dhan bari ilaa galbeed imtixaankii ka bilaabmayaa.

Ardayda war war faro badan ayaa haya sababta oo ah waxaa ay wax ku soo barteen xilli dalku uu galay xaalada xannuunka safmarka ah ee Covid-19, taas oo sababtay in aanay u dhammeystirmin maddooyinkii, xafiiska imtixaanaadkuna aad ayuu idinku dabacsan yahay isaga oo tixgalinaya hawshaasi idin soo martay.”

Guddoomiye Daa’uud sidoo kale waxa uu digniin u diray ardayda imtixaanka shahaadiga ah u fadhiisan doonta waxaanu yidhi. “Haddii aad iska daysan isticmaalka telefoonka Smart Phonka ardaykasta wuu gudbaya waxa uu yaqaano ayaanu ku gudbaya waliba, balse telefoonkaasi waa inkaar cadaaladd darada ayuu kow ka yahay, ardaygii soo indha madoobaaday iyo kii aan waxba soo akhriyin ayuu is dhaafinayaa, qof walowba qalin iyo warqada wax ku qor wax allaale wax goobta imtixaanka lala imanayaa ma jiro,”