Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Ee Golaha Wakiillada Oo Somaliland Ku Biiraya Xisbiga WADDANI

Hargeysa (Hayaannews)– Guddoomiye ku-xigeenkii koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Md. Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa ku dhawaaqay inuu ka baxay Xisbiga KULMIYE isla-markaana uu ku biirayo xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI.

Sidaana waxa ku sheegay Qoraal War-gelin ah oo uu Caawa ku baahiyey Barta uu ku leeyahay Facebook, kaasi oo uu ku sheegay in la Tashi badan oo uu sameeyay ka dib, go’aansaday in isaga iyo Taageerayaashiisu ku biiraan Xisbiga WADDANI.

Qoraalkaasi oo ay heshay Shabakada wararka ee #Hayaannews.net ayaa u qornaa sidan:-

Bismilaah Raxmaani Raahiim.

Aniga oo ah Mud. Ahmed Yaasiin Sh. Ali Ayaanle Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha wakiillada JSL, waxaan halkan ka wargelinayaa dhammaan shacabi-weynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ka dib markii aan la tashi badan sameeyay,  waxa aan go’aansaday aniga  iyo tageerayaasheyduba in aan ku biirno Xisbi-weynaha Heer Qaran ee Waddani, taasi oo bandhigeedu yahay maalinta salasada ee taariikhdu tahay 16ka bishan February 2021..”

 

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland