Guddoomiye Ururka SOLJA oo Shaaciyey inuu isu Sharraxayo Doorashada Golaha Wakiillada Somaliland
October 28, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Hayaannews):-
Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac
(Xuuto), ayaa sheegay marka muddo-xileedkiisa SOLJA uu joogaa dhammaado 31-ka
bisha 12-aad ee sannadkan 2020-ka, uu isu sharrixi doono doorashada golaha
wakiillada Somaliland oo uu Xildhibaannimo ugu tartami doono.
Guddoomiye
Xuuto oo shalay ka qaybgalay shir lagu eegayey, isla markaana lagu
falanqaynayey wax ka beddel iyo kaabis lagu samaynayo Dastuurka Ururka SOLJA,
kaas oo lagu qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa, Masuuliyiin,
Sharci-yaqaanno iyo Weriyeyaal kala duwanina ka qaybgaleen.