Guddoomiyeyaal Loo Magacaabay Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex iyo Degmada Hargeysa


Hargeysa (Hayaannews) Guddoomiyaha maxkamadda sare, ahna guddoomiyaha guddiga cadaaladda Somaliland, Garyaqaan Aadan Xaaj Cali Axmed, ayaa xilalkii ay hayeen ka qaaday guddoomiyaha maxkamadda gobolka Maroodi-jeex, Axmed Dalmar Ismaaciil iyo guddoomiyihii maxkamadda degmada Hargeysa Cabdirashiid Beer-geel.

Sidaana waxa lagu sheegay Digreeto ka soo baxday xafiisak guddoomiyaha maxkamadda sare oo soo gaadhay wargeyska Dawan taasi oo iyadoo dhamaystiran u qornayd sidan:-

Ujeeddo: Magacaabid iyo Beddel Guddoomiyeyaal.

Gudddoomiyaha Maxkamadda sare, markuu arkay qodobka 107 iyo 108 ee waaxda garsoorka ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

Markuu arkay qodobka 31/3 ee xeerka Nidaamka Garsoorka No.3 ee June 1962.

Markuu Tixgeliyey danta guud ee cadaaladda.

Sidaasi darteed

Axmed Dalmar Ismaaciil, waxa laga beddelay guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Hargeys, waxaana loo beddelay garsoore Maxkamadda Rafcaanka G/M/jeex ku meel-gaadh ahaan.

Cabdi Qawdhan Cabdi waxa loo magacaabay guddoomiyaha maxkamadda gobolka Maroodi-jeex, ku meel-gaadh ahaan.

Cabdirashiid Maxamed Xirsi, waxa laga beddelay guddoomiyaha maxkamadda degmada Hargeysa, waxaana loo beddelay garsoore maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ah.

Yaxye Xuseen Yuusuf, waxa loo magacaabay guddoomiyaha maxkamadda degmada Hargeysa ku meel-gaadh ahaan.”