Gudoomiyaha Ururka WAABERI OO Markii U Horeysay ka Hadley Dagaalka LAASCAANOOD isaga Oo Muujiyey inaanu Raali ka Ahayn  khasaaraha  Ka Dhashay Dagaalka Ee Sababey Dhimashada

Hargeysa(Hayaannews): Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Waaberi Cabdirisaaq Ataash ayaa markii u horeysay ka hadley dagaalka Laascaanood isaga oo muujiyey inaanu raali ka ahayn  khasaaraha  ka dhashay dagaalka ee sababey dhimashada dadka labada dhinac ee isku dilaya degaanka Laascaanood oo kala ah Ciidanka Somaliland iyo xoogaga Jamaahirta ssc.

“Rasaas kasta oo ku dhacday qof reer Laascaanood ah, ama Ciidanka qaranka Somaliland, waxay ku dhacdey laabta urur Siyaasadeedka Waaberi” ayuu yidhi, Mr.Ataash.

Waxana uu digiin u direy dhinacyada ka baxsan reer Laascaanood iney ka laabtaan gacmaha ay kula jiraan arrinta Laascaanood.

Mr.Ataash oo ah siyaasi ka soo jeeda Gobolka Sool ayaa marka la qiimeeyo hadalkiisa loo fasiran karaa inuu yahay mid ka qaba rajo Somaliland oo iminka  colaadi xumi dhex miranayso iyada iyo reerka uu ka dhashey ee dhulbahante.

 

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

#Mustafe_Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com