“Guusha Xisbiga SDP Waa Guusha Somaliland” Safiirka Somaliland ee Finland
May 29, 2019 - Written by admin
Helsinki (Hayaannews): Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Finland Marwo Saamiya Xaaji Muuse, ayaa ka hadashay muhiimadda siyaasadeed ee Somaliland ugu jirta guusha uu xisbiga SDP ka gaadhay doorashadii baarlamaanka Midawga Yurub ee dhacday Axadii todobaadkan.
Saamiya
Xaaji Muuse, oo xubin ka ah xisbiga SDP oo u wakiishay in ay ka mid noqoto
muraaqibiintii xisbigaas uga qayb galay doorashaddii 26 May 2019 dalkaas ka
qabsoontay ayaa si weyn u hambalyaysay Mr. Tero Heinäluoma, oo ku guulaystay
doorashadi baarlamaanka Midawga Yurub.
Waxaanay
sheegtay in Mr. Heinäluoma, uu diyaar u yahay in uu kala shaqeeyo taageeradda
qadiyadda Somaliland, isla markaana markii lagu dhawaaqay guusha Mr.
Heinäluoma, ay hambalyo u dirtay iyadoo ku hadlaysay magaca Somaliland.
Sida
lagu sheegay war-murtiyeed ka soo baxay Safiirka Somaliland u fadhiya dalka
Finland Marwo Saamiya Xaaji Muuse, waxaana lagu bilaabay sidan :- “Waxaa sharaf
weyn noo ah in uu ku guulaystay doorashadi baarlamaanka Midawga Yurub Mr. Tero
Heinäluoma, oo hore u ahaa goddoomiyaha baarlamaanka Finland, kuna guulaystay
codka ugu badan dalka Finland. Iyadoo aan si dhaw ugala shaqeeyey ololihiisii
doorashadda.
Markii
guushaas lagu dhawaaqay ayaan si farxad leh ugu hambalyeeyay. Aniga oo ku
hadlaya magaca Somaliland, isla markiibana ka dareen celiyay mahad naqaas, kuna
dhawaaqay erayadaas.
Natiijadii
maanta (doraad) waxay muhiim u tahay Europe iyo Somaliland oo aan la nahay
saaxiib weyn. Somaliland oo ay inaga dhaxayso xidhiidh iskaashii oo aad u
fiican muddo dheer. Waxaanu ku daray inuu u diyaar u yahay taageeradda halganka
qadiyadda Somaliland”.
Marwo
Saamiya, ayaa intaas ku dartay in ay habeen hore kulan la yeelatay Mr. Tero
Shemeikka, iyo Mr. Luis Ayala, oo ah xoghayaha guud ee ururka caalamiga ah ee
bulshooyinka.
“Waxaa sharaf weyn ii ahayd xalay (habeen hore) in aan kulan fiican wada qaadanay Mr. Tero Shemeikka, xoghayaha arrimaha caalamiga ah ee xisbiga SDP iyo Mr. Luis Ayala, oo ah xoghayaha guud ee ururka caalamiga ah ee bulshooyinka (The Secretary-General of the Socialist International Organization) oo ka soo qayb galay doorashaddii baarlamaanka Finland oo shalay (doraad) ka dhacday dalka Finland”.