“Israel waxay qarka u saaran tahay dagaal sokeeye,oo ka dhasha, hadii la ansixiyo Sharci ay dadweynuhu halis u arkaan iyo isbedello dhanka garsoorka ah oo ay waddo dowladda cusub ee la doortay.
Waxaa soconaya Mudaharaadyo Rabshado wata,oo sharcigan lagu diidan yahay,Kuwa u malaynaya in aanuu dhici karin dagaal sokeeye oo dhab ah, oo galaafta nolosha dadka israel,Kuwaasi wax war ah ma hayaan,Halistu waxay noo jirtaa masaafo dhow .
Isbeddelladan sharci waxay awood u siinayaan Baarlamanka Keneset-ka ee Israa’iil inuu tirtiro xukunnada Maxkamadda Sare,waxayna taasi siin doontaa Xukuumadda awood dheeraad sida magacaabista garsoorayaasha, waxayna xaddidi doontaa awooddii maxkamadda sare u lahayd inay dib u eegis ku samayso sharciyada ay u aragto qaar aan macquul ahayn.

Hadii Meesha laga saaro Awoodii Maxkamadda sare,Waxaa ka dhalan karta Halis weyn,Sida in Raiisul Wasaaruhu uu noqdo Keligii teliye,wuxuu doono iska sameeya ” Sidaas Waxaa yidhi Madaxwaynaha Israa’iil, Isaac Herzog