“Haddii Somaliland Caddaalladii Taalo Waa In Dumarka Xaqoodda Siyaasadda La Siiyo…..” Marwo Suhuur Xasan Abiib

“…..Waxaan is idhi qalbi jabka soo socda iska daa oo ragga isku daa…”

Toronto (#Hayaannews)- Ambassador Suhuur Xasan Abiib oo hore uga tirsanaan jirtay Masuuliyiinta Sare Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI, Xilal kala duwan ka soo qabatay, ayaa walaac weyn ka muujisey kaalinta Haweenka Somaliland ee doonaya ka qaybgalka Siyaasadda dalka, Isla-markaana leh damaca ka qaybgalka Tartanka Doorashooyinka Somaliland Ee Goleyaasha Wakiiladda iyo Deegaanka.

Marwo Suhuur Xasan Abiib oo Hadda ku Sugan dalka Canada, ayaa Sheegtay inay aad uga xun tahay cadaadis ay Sheegtay inay Haweenka damac leh kala kulmayaan labadda dhinaca ee ay kasoo kala jeedo ee ah dhalashadda iyo dhaxdinta oo ay Haweenku ku waa’yeen xaqooddii ahaa in la soo doorto, maadaama oo ay beeluhu soo xulayaan rag ay u soo doortaan ka qaybgalka Doorashooyinka si ay Goleyaasha Wakiiladda iyo Deegaanka ugu matelaan. Waxaanay tidhi Iyadoo arintan ka hadlaysa Marwo Suhuur Xasan Abiib “Waxaan doonayaa in aan ka hadlo Haweenku in aanay xaq ku lahayn Beelaha ay ka dhasheen midna u dhaxeen. Haddana iyaga taageero laga doonayo, hadday dhaqaale tahay Iyo Cod-ba tahay Maadaama oo ay Haweenku yihiin dadka ugu badan ee coddeeya. Markaa Waxaan Dumarka ku guubaabinayaa inay Haweenka soo saaraan si ay Goleyaasha Wakiiladda iyo Deegaanka uga dhex-muuqdaan codna ugu yeeshaan. Sidoo kale Waxaan Dumarka Sharaxan ugu Baaqayaa inay Isu tanaasulaan oo ay istaageeraan si aynu u soo baxno oo Doorashooyinka soo socda uga dhex-muuqano, Maadaama xaqeenii la aasay”.

Marwo Suhuur Xasan Abiib oo si gaar ugu warantay khadka telefoonka Tifaftiraha Guud Ee Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net, ayaa Sidoo kale tilmaantay inay Haweenka ay ka waayeen wax taageero ah Guddoomiyeyaasha Saddexda Xisbi Qaranka Ee Somaliland WADDANI, UCID Iyo KULMIYE. Iyagoo iska indho tira taageeradda, dhaqaalaha Iyo Codka ay Haweenku Isku garab taagaan marka ay iyagu u baahan yihiin taageero ee ay Sharaxan Yihiin” Guddoomiyeyaasha Saddexda Xisbi Qaranka Ee Somaliland WADDANI, UCID Iyo KULMIYE way rabaan Dumarka marka taageero ka doonayaan, markay Haweenku isa soo Sharaxaanna ma saacidaan oo ma taageeraan oo way ka aamusaan”.

Iyadoo hadalkeedda sii wadda MARWO Suhuur Xasan Abiib, Waxay tidhi “Siddaas Awgeed dad hortii, ayaan (Suhuur) isa soo Sharaxay, ugana hadhay Markaan arkay in aanay cidna caawinayn, sharcina na saacideyn, ayaan is idhi Qalbi jabka soo socda Iska daa, oo koleyba ragbaa la soo Sharaxayaaye Isku daa ragga iyo Guddoomiyeyaasha Xisbiyadda Qaranka Somaliland. Adiguna Iska Fadhi”. Ayey tidhi Marwo Suhuur

Najma H. Abib

Ugu dambayn Suhuur Xasan Abiib, Waxay dhammaan ba Somaliland fariin dheer ugu Sheegtay in Haweenka la taageero oo xaqooda la siiyo si dalka loo aqoonsaddo, Waxaanay tidhi “Somaliland Haddii xaq iyo caddaalladdi taalo waa in dumarka xaqoodda Siyaasadda la Siiyo oo ay Goleyaasha Wakiiladda iyo Deegaanka ee la soo dooran dooran dooro ay ka dhex muuqaan si Somaliland loo aqoonsaddo”.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka ee Shaabkada Wararka ee WWW.Hayaannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.