‘Haddii uu Qofku Yahay Ab-laawe oo aannu Taariikhba Lahayn ma Noqdo Qof Adag, Markaa Taariikhdu…’

Madaxweyne Muuse Biixi oo si faahfaahsan uga hadlay taariikhda hodanka ee Somaliland + aataarta qaddiimiga ah ee da’doodu ka weyn tahay shan kun oo sanno iyo aqoontii ay lahaayeen dadkeennii hore ee miyigu

Hargeysa (Hayaannews)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si faahfaahsan uga hadlay taariikhda qanniga ah ee uu hodanka ku yihiin dalka Somaliland iyo guud ahaanba mandaqadda Geeska Afrika, isagoo xusay in Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe yihiin meelaha la isku raacsan yahay inay ka soo bilaaban tahay tafiirta dadka bani’aadamka ah.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo khudbad dhinacyo badan taabaysa ka jeediyey xaflad loo sameeyey dhagax-dhigga Madxafka qaranka ee loogu talogalay in lagu kaydiyo, laguna ururiyo taariikhaha qaddiimiga ah ee dalka Somaliland, kaasoo laga dhisayo halka ay ku taal khayriyadii hore ee Caasimadda Hargeysa, waxa uu ugu horayn ka hadlay heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay Khayriyadda Hargeysa iyo goobihii kale ee taariikhiga ahaa ee ku yaal Caasimadda Somaliland.
“Goobtan aynu joogno waa khayriyaddii oo waxay leedahay taariikh dheer, waana la dhisay oo dadweynaha ayaa dhistay, waxayna u dhisteen inay dantooda iyo danta magaalada kaga taliyaan. Waxay leedahay magacyo badan oo ay soo martay, waxaanna ka mid ahaa Caddiyatul-Raxmaan, waxa ku xigtay inay mar noqotay dugsi wax lagu barto, welina malcaamad lagu dhigto Carabiga iyo Diinta oo ay ka soo baxeen dad waaweyn oo dalkan ka shaqeeyey ama madax ka noqday, waxaanna ku xigtay in haddana mar labaad loo rogay in laga dhigo meel khayriyad ah oo lagaga hadlo danaha dalka dagaalkii labaad ee Adduunka ka bacdi, haddana dhawr iyo kontonkii (1950s) waxay noqotay xarunta xisbigii SNL oo ah halkii laga aasaasay xisbigaas guusha dhaliyey (madaxbannaanidii Somaliland), waxa kaloo halkan (khayriyada) ku agyaalay golihii Hindida iyo Baaniyaalada oo dad badan oo halkan joogaa waad soo wada gaadheen labadii libaax ee halkan ku sawirnaa, markaa waxay ahayd meel taariikh leh oo runtii ina la burburiyo may ahayn,” ayuu yidhi Madaxweynuhu.
Waxaannu intaas ku daray; “Haddana, waxa burburiyey Rajiimkii Siyaad Barre meelaha taariikhda ah baabiin jiray ee dalka baabiin jiray oo waxay (Khayriyadu) ka mid tahay meelihii uu burburiyey. Meelaha kale ee taariikhiga ah waxa ka mid ah halkii lagu gubi jiray maydka Hindida ee ay isugu tegi jireen oo ahayd halka uu imminka yahay Garoonka Kubbadda Kolayga ee Tima-cadde, waana meelihii la burburiyey, markaa magaaladu (Hargeysa) waxay leedahay meelo badan oo taariikhi ah oo ay tahay in dib loo eego oo maanta haddii la kaydiyo noqonaysa in aynu nahay dad taariikh leh oo saddex raad (taariikhood) ayaa maanta dalkeena ka muuqda oo kala ah; kii Turkiga, kii Ingiriiska iyo dadkii kale ee inoo yimid ee ay Hindidu ka mid tahay.”

“Waxa ay taariikhyahannada dunida oo dhan isku raacsan yihiin in Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe ay yihiin meelihii ay ku tafiirmeen Nabi Aadan iyo ubadkiisii (oo bani’aadamku ka soo aasaasmay), tusaale ahaan imminka Bariga Dhexe ee sida dhulkaas hadda la isku dilayo ee Ciraaq, Shaam iyo Jiddah leh ee la leeyahay waa Ayeydeen ee innaga leh (Somaliland ka mid tahay), iyadoo sidoo kale la leeyahay lafaha ugu da’da weyn ee bani’aadamka waxa laga helay halkan Danaakillada ee Itoobiya,” ayuu yidhi Madaxweynuhu.
Waxa kaloo uu ka hadlay taariikhda aataarta ah ee laga helay degaanka Laas-geel, waxaannu yidhi; “Laas-geel-na waxa uu sheegayaa in halkan ay dad ku noolaayeen oo ay wax dhaqanayeen muddo shan kun oo sanno ka hor ah waqtigii Faraacinnada, waxaanna laga yaabaa intaas in ka badan oo taariikh ah ayaa dhulkan taala. Qofkuna waxa uu hammoodaa oo uu himilo adag yeeshaa oo uu faanaa, madaxana taagaa marka uu ogyahay taariikhda dambe (laakiin) haddii uu qofku yahay Ab-laawe oo aannu taariikhba lahayn ma noqdo qof adag, markaa taariikhdu maaha wax sahlan oo marka la leeyahay taariikhda ha la ururiyo oo qofku waxa uu ahaa ha loo sheego oo ha loo sheego wixii ay qabteen odayaashii ka horeeyey, waxa weeyaan in qofku inuu han yeesho oo uu ka gudbi karo dhibaatooyinka iyo duruufaha ka horyimaada, haddii kale oo aannu geedku lahayn xidid adag dabaysha ayaa dhufanaysa.”
Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa khudbaddiisa ku sheegay in qofka aan wax xog ah ka hayn taariikhda dalka iyo dadkiisu uu ku dhex hafan doono dunidan casriga ah, waxaannu yidhi; “Qofka aan aqoon taariikhdiisa iyo wixii ay ahaayeen dalkiisa iyo dadkiisuba waxa qaadaysa dabaysha, sida imminkaba dhacda oo waxa laga yaabaa ninka dhallinyarada ah ee soddon sanno jirka ah inuu dagaal, qabyaalad iyo wareer ayuun buu arkay, dabeedna waabu wareersan yahay noloshiisa oo meelna ma kala jecla, wuxuu ku dhaato iyo waxa uu ku hirto maba garanayo, waayo 30 sanno jirka imminka joogaa waxa uu ku soo dhex koray reerkooda, iyadoo la is-wada haysto, iyadoo la murmayo, iyadoo la wada caytamayo, dabeedna wuu jaho-wareersan yahay.”
Waxaannu intaas ku daray; “Markaa waxa aynu doonaynaa in aynu u ururino waddankan (Somaliland) taariikhdaas shanta kun ee sanno ka hor ah ee Adduunku la yaaban yahay Laas-geel oo laga yaabo inay jiraan boqol Laas-geel oo kale oo aynu la wadaagno mandaqaddan Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika. Waxa ala iyo waxa laga helo lafaha bani’aadamka ee ugu qaddiimsan waa Tansaaniya, ilaa Itoobiya, ilaa Rift Valley (dhulka fidsan Jabuuti, Tansaaniya ilaa Itoobiya, kuna sii xidhan ilaa qaaradda Eeshiya, gaar ahaan dalalka Suuriya ilaa Lubnaan), ilaa aagan aynu ku nool nahay. Haddii dib loo akhriyo waxa ku qoran Ahraamta Faraaciinta (ee dalka Masar) waxay 50% ka yimaadeen dhulkan aynu ku nool nahay ee mandaqaddan Geeska Afrika, weliba intaas qaabilsan Badda Cas oo taariikhda oo dhan waxa loo tiriyaa laga soo bilaabo Geeskaas Raas-xaafuun iyo Badda Cas waxa ku soo jira, marka horta taariikhdaas ayey meeshani leedahay,” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi.
Madaxweynaha Somaliland, ayaa sidoo kale bulshada u faahfaahiyey waxyaabaha la doonayo in lagu keydiyo xarunta cusub ee loo dhisayo keydka Taariikhda qaranka, waxaannu yidhi; “Halkan waxa aynnu ka doonaynaa in taariikhdeenaa shanta kun ee sanno ah wixii ina soo maray ee jiray, talo haddii ay tahay, haddii ay dhaqan tahay iyo haddii ay Saynis iyo cilmi tahayba lagu keydiyo, dad baynnu ahayn dhisan oo isku filan oo noloshoodu isu miisaaman tahay oo sida ay u noolaanayaan iyo waxa ay qabanayaan garanaya, wixii baynnu rabnaa in aynnu halkan ku soo ururinno oo ka faa’iidaysanno. Waxyaabaha innaga lumaya waxa ka mid ah maanta bani’aadamkii hore u maray, haddii ay Maraykanka tahay, Jarmalka ah ee aynu daba soconaa dhammaantood waxay u soo noqdeen daawada ah tii dhirta (in dhirta la isku daweeyo), innaguna waxaynu lahayn odayaal qaar ka sii nool yihiin oo yaqaanay cudur kasta geedka lagu daweeyo oo dhirteena ka baxda, waxaanna loo baahan yahay in la kaydiyo oo taariikhda marka laga hadlayo qaar ayaa u haysta inay tahay gabayga, haanta iyo waxyaabahaas la midka ah, taasna maaha ee xoolaha laga shaqeeyo ama la xannaaneeyo ninka xoolahaas dhaqaa ee adhiga aadka u dhaqa ama geella dhaqa ama lo’da nin walba isaga ayaa ka badiya xoolahaas dawooda oo qaabka, dabeecadda iyo dhirteena ayuu ku dawaynayaa oo uu garanayaa, markaa waxa loo baahan yahay in la qoro oo adduunka wax lagu daro oo la yidhaahdo; ‘anaguna sidaas ayaanu wax u dawaynaa’ ee maaha uun saca jooga meesha barafka leh iyo sacaagu si uma wada dhaqmaan oo geellu waxa uu ku dhaqmaa meelaha kulul oo qudha oo innaga oo qudha ayaa leh, markaa waxa aad arkaysaa haddii maanta dhallinyaradiina la weydiiyo bal geella ka warama, waxa aad ku yaacaysaan google-ka (mishiinka internet-ka ee wax laga baadho oo aad waydiinaysaan) oo googl-ka ayaad ka eegaysaan, laakiin waydiin maysaan kan makhaayadaha fadhiya ee afartanka sanno (40 sanno) dhaqayey geella, kana qori maysaan, kan reebi maysaan.”
Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa sidoo kale ka hadlay qaabka cajiibka ah ee loo dhisayo aqal-soomaaliga iyo taariikhda ku duugan, kaasoo ka mid ah waxyaabaha lagu kaydin karo madxafka qaranka, waxaannu yidhi; “Aqal-soomaaliga dhismihiisu waa ku cajiib Adduunyada, waana shayga qudha ee marka la rarayo ay inta hoos u foorartaa kor u jeedsadaan, marka la dhisayo ee Awrka laga furana inta kor u jeedaa ay hoos u jeedsato, sida udubka, dhigta iyo xakabkuba marka Awrka la rarayo kor ayaa loo taagaa haddii aad geediga aragteen, marka la dhisayana dhammaantoodba dhulka ayaa lagu qotomiyaa oo hoos ayaa loo jeediyaa. Kebedda iyo aloolka la saaraa sida ay labaduna u shaqeeyaan cimiliga qabawga iyo kulaylka marka ay dabiiciga asalka ah (organic) yihiin waxay u baahan tahay in daraasad lagu helo oo awoowyaasheen ma aqoon ayey lahaayeen, mise waxaynu qaadanaa jaahiliin ayey ahaayeen oo markii la la keenay lebbenka iyo (waxan casriga ah ee hadda guryaha lagu dhisto) ayey wax yihiin? Ilayn lebbenkan iyo dhismahan cidda lihiba Adduunka meel ayuu ka soo bilaabmay. Dadkeena maanta 40 sanno jirka iyo 30 sanno jirka ah taas kama fekerayaan oo haddii aqal-soomaaliga la weydiiyo google-ka ayuu ka eegayaa, kuma jiro oo dee yaa gelin lahaa aqal-soomaaliga iyo aqoontii hooyadaa iyo aabbahaa? Ilayn bilaash ayey ahaayeene, sow maaha ka qaatay PHD-da? Innagu PHD-da waxaynu ku qaadanay meel qabaw, sida barafka loo dhisay, aqallada sida barafka looga ilaaliyo iyo barafka ku dhici doonaa waxa uu yahay, laakiin lama sheegin cimiladeena sida uu aqalkeennu noqonayo? Waxa aad ka soo qaadaa dhiilka aynu wax ku cabno oo inta dhiil ee ay samayn jireen hooyadaa, aabbahaa iyo awoowyadaa ee qofku marka uu dhasho ahaa dhaal, xeedhada yar iyo kii ka sii yaraaba, waxayna ahayd wax aqoon ku dhisan oo qofku haddii warshado loo rogo gaar inoo ahaan lahaa, adduunkana aynu u soo bandhigi lahayn faa’iidadeeda, laakiin maynaan isticmaalin.”

Madaxweynaha Somaliland, ayaa sheegay in dalka Shiinuhu uu maanta Adduunyada ku qasbayo wax-soo-saarka ku salaysan dhaqankiisa, waxaannu yidhi; “Shiinuhu maanta waxa uu Adduunyada ku qasbayaa waa dhaqankiisa oo imminka haddii aad u fiirsataan dhakhtarada oo dhan waxa loo wada cararayaa dhinaca Shiinaha oo irbadaha ayaa la isku daweeyaa, innaguba irbado waynu lahayn oo tawbin ayeynu lahayn la isku dawayn jiray oo waxa aynu lahayn wax lagu daweeyo bararka oo la mariyo, markaa waxa aynu doonaynaa in aynu halkan (madxafka qaranka) in aynu ku ururino cilmigii aqoonta sayniska, taariikhdeennii, sidii aynu u fikiri jirnay, waxa aynu qabsan jirnay oo ah Adduunka maxaynu ku dari karnaa? Maxaynuse ku soo kordhin karnaa, markaa waa in waxyaabaha halkan lagu sameeyo uu galo google-ka oo la yidhaahdo Somaliland ayaa waxaas leh.”
Waxa Madaxweynuhu uu intaas ku daray; “Waxa aynu ahayn dad dhisan oo isku filan oo noloshoodu isku miisaaman tahay oo dawada, sida ay u noolaanayaan iyo wax walba oo ay qabanayaan garanaya, markaa wixii oo dhan ayeynu rabnaa in aynu halkan ku soo ururino, kadibna aynu ka faa’iidaysanno.”
Xarunta cusub ee uu Madaxweynuhu dhagax-dhigay maalintii Sabtida, ayaa noqonaysa mid loo asteeyey in laga helo dhammaanba wixii taariikh iyo cilmi ah ee ay bulshada reer Somaliland lahayd, waxana uu Madaxweynuhu ugu baaqay inay shacabku dhammaanba soo ururiyaan wixii taariikh ah ee ay hayaan, si looga faa’iidaysto.