Hal Ku Dhigyada Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun “Luuqada Soomaaliyeed Waa Af Muslim, Waa Af-diin iyo Dadnimo-ba Xambaarsan “.

Hargeysa(Hayaannews): Hal ku dhigyada dhaxal-galka ee Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun ayaa shabakada wararka ee Hayaannews u soo bandhigaysaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed si ay uga faa’iideystaan.

Hadaba halkan hoose ka akhriso halkan hoose

 1-| ” Aqoonyahanku wuxuu aqoonyahan yahay markuu Rabbigiina yaqaano , Aakhirana yaqano addunkana uu isbedel ka samayn karo. ”

2-| ” Dhalasho wacan markaan leenahay taas macnaheedu waa sanad baan xabaasha u dhawaaday taasi ma wax lagu farxa. ”

3-| ” Inaad noqoto qof hami leh, han leh, hiigsi leh, oo hiraal u muuqdo waa lagama marmaan.”

4-| ” Dad baa dibadda ka qurux badan, guriga markay soo galaana bahal aah , qofka aad nolosha isgu darsateen iyo caruurtad dhashay inaad ku xumaato , dibadana nin fican oo laga yaqano hebel la yidhahdo noqotid wax fican ma aaha .”

5-| ” Dunida dadka isdila iyaga ugu badan reer galbeedku , meeday barwaaqaada ay sheegaayaan ” ?

6-| ” Aqoonyahanku hadu noqdo qof la ibsan karo suldanadu iiibdan karto, dawladuhuna laaluushi karan aqoonyahan ma-aha ” .

7-| ” Gool baa la dhaliyeey maxay noloshaada ku soo kordhisay. ”

8- | ” In Hooyo la noqda waxay ka Qurux badan tahay inaad noqoto injineerad ” .

9-| ” Nin walba qabiilkiisa inta la dulmiyaay buu ogyahay, laakin se ma oga intay dulmiyeen ee aay Akhiro u direen.”

10-| ” Quraanka haddii aad akhrido ; qof Rabigii u waraamayo ayaad tahay bal qiyaas Rabiga oo kula hadlaaya oo ku waramaaya.”

11-| ” Luuqada soomaaliyeed waa af Muslim, waa af diin iyo dadnimo ba xambaarsan “.

12- | ” Meesha Qiimaha leh ee u baahan inaan u shaqaysano waa Aakhiro “.

13-| ” Haddaad rabto dadka in caqligoodu ku aqbalo , waxa ka horeeya qalbigooda inad furto qofkaad qalbigiisa furi kari weydana caqligiisana ma furi garaysid ; qalbigana waxa lagu furaa jacayl , naxariis iyo hadal wanagsan ” .

14-| ” Waxa laga yaaba inad sacado badan ku bixiso iskuulka, yaad saaqidin oo ka waran maalinta qiyaame haddad saaqido maalinta aan saaqidnimo ka weeyni jirin. ”

15-| ” Dadka kuwa ugu hantida badan

Aya aah kuwa ugu hurdada yar ”

16-| ” Hadday jannadu tahay meesha qofka logu nimceenayo , caddabtuna ay tahay meesha qofka lagu ciqabayo ; Addunyaduna waxay tahay meesha qudha ee laysgu imtixamayo. ”

17-| ” Ilmaha inaad Guri uga tagto waxa ka qiimo badan inaad Diin uga tagto, inaad dhaqaalo u samayso waxa uga qiimo badan inaad isaga qof ka dhigto jira oo nool oo Muslim ah. Haddii uu qof Muslim ah noqdo oo Naftiisa ku kalsoon meel uu seexdo iyo wax uu cuno isagaa raadsanaayo.”

18- |” Jamacaada baan ka baxay , shahaadan qatay , shaqo fiican baan heelay war waad tagaysaaye waxaas oo dhan waa maalmo , maalin ama maalin badhkeed ayay nolosha oodhan kula noqon marka qiyamaha lagu weeydiyo, oo nolosha maa maalin badhkeed bad dooratay marka.”

Dadka kale sii gaarsii, Sheikh Mustafa ne Eebbe ha dhowro. (WQ- Kudhiro)

 

#Mustafe_Janaale

#Hayaannews.net