“Halkii Somaliland ku Tiirsanaan lahayd Gargaarka waxaan Dhiirigelineynaa sare u Qaadista Ganacsiga iyo Maalgashiga Taiwan.”

Warbixin Wakaalada Wararka Reuters.

Taipei-(Hayaannews):-Wefti heer wasiirro ah oo Somaliland ka socda oo si wayn loogu soo dhaweeyay dalka Taiwan isla markaana kulan la yeeshay Madaxweynaha dalka Taiwan Marwo Tsai Ing-wen ,ayaa si wayn usoo jiitay indha warbaahinta caalamka iyo wakaaladaha wararka ee dunida ugu waa wayn.
Wakaaladda wararka ee Reuters oo socdaalka weftiga wasiirada Somaliland iyo kulanka ay la yeesheen Madaxweynaha dalka Taiwan iyo madaxda kale ee dalkaas waxay ka qortay war bixin ay kaga hadlayso Somaliland iyo dimiquraadiyadda ka hana qaaqay iyo nabad gelyada ay soddonkii sano ee u dambeeyay ay ku naaloonaysay iyo qalalaasaha ka jira Soomaaliyadii ay kala soo noqotay madaxbannaanideeda.
Waxaa kale oo ay ka faalootay Reuters fursadaha maalgashi ee Somaliland ka jira iyo xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Taiwan ay wadaagaan.
Warbixin dheer oo ay ku soo xiganayso hadalka wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland Dr Ciise Kayd iyo Madaxweynaha Taiwan oo shalay lagu daabacay wakaalada wararka ee Reuters oo uu soo turjumay Wariye Maxamuud Walaaleeye,ayaa lagu bilaabay sidan.“Somaliland waxa ka jira fursado “maal-gashi oo weyn” oo la xidhiidha kaydka shidaalka iyo gaasta aan weli laga faa’iidaysan,” sidaa waxa lagu bilaabay, warbixin wakaalada wararka Reuters ka diyaarisay kulankii wefdiga Somaliland ee Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr Ciise Keyd hoggaaminayey ay la yeesheen Madaxweynaha Taiwan Marwo Tsai Ing-wen Arbacadii shalay, isla markaana uu ku soo bandhigay fursado maalgashi booqasho heersare ah oo ay ku tageen dalka Taiwan.
Somaliland oo dib madaxbanaanideeda ugala soo noqotay Soomaaliya 1991-kii, balse aan caalamka ka helin madaxbanaani. Somaliland ayay nabadgelyo buuxda ka jirtaa, halka Soomaaliya ay la daalaa dhacayso dagaallo sokeeye sodonkii sannadood ee u dambeeyey.
Taiwan, oo Shiinuhu ku andacoodo inay ka tirsan tahay, sidoo kalena diblomaasi ahaan ku go’doomiyeen, ayey Somaliland iyo Taiwan waxay xafiisyo wakiillo ka kala samaysateen magaalo madaxyada labada waddan sanadkii 2020-ka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Ciise Keyd oo la kulmay Madaxweynaha Taiwan Marwo Tsai Ing-wen, ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan imaatinka shirkadaha waaweyn ee Taiwan inay maalgashadaan oo la ganacsadaan dalkooda Somaliland.
“Qaybta Macdanta, Somaliland waxay leedahay fursad weyn oo maalgashi shisheeye, oo ay ku jiraan kaydka shidaalka, iyo gaasta, iyo sidoo kale dhuxusha, oo si fudud loo sahamin karo,” ayuu yidhi. Isagoo raaciyey, “Waxaan dhiirigelineynaa sare u qaadista ganacsiga iyo maalgashiga halkii ay ka ahaan lahayd ku tiirsanaanta gargaarka.”
Wafdiga Somaliland, oo ay xubno ka yihiin Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire ayaa la filayaa inay la kulmaan, madaxda shirkadda shidaalka ee CPC ee dawladda Taiwan leedahay, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taiwan.
Madaxweynaha dalka Taiwan Marwo Tsai Ing-wen ayaa sheegtay in Taiwan iyo Somaliland yihiin saaxiibo dimoqraadi ah oo isku fikir ah.

“Somaliland waa dal ku yaalla Bariga Afrika oo hadda muhiim u ah mashruuca Afrika ee Taiwan,” Madaxweynaha Taiwan.