Hargeysa(Hayaannews): Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Md.Cismaan Jaamac Aadan ayaa maanta ka qaybgalay xaflad segootin ah oo maamulka dugsiga sare ee Faarax Oomaar u qabtay ardey deeqo waxbarasho ka helay jaamacadaha dalka iyo deeqda waxbarasho ee dalka Itoobiya ugu deeqay Jamhuuriyadda Soomaaliland.
Ugu horeyn, maamulaha dugsiga sare ee Faarax Oomaar
Md.Guuleed Yuusuf Iidaan oo munaasibadaa ka soo jeediyey khudbad dhinacyo badan
taabanaysay ayaa ku dheeraaday wax qabadkii u hirgalay muddadii koobnayd ee uu
dugsiga joogay.
Dhanka kale, maamule Guuleed waxa uu mahadnaq balaadhan u
soo jeediyey dhammaan muwaadiniin iyo qaar ka mid ah jaamacadaha dalka uu
sheegay, in ay deeqo waxbarasho ugu deeqeen ardeydii ugu saraysey imtixaankii
shahaadiga ahaa ee sannad dugsiyeedkii 2018/2019 ee ka baxday dugsiga sare ee
Faarax Oomaar.
Af-hayeenka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Md.C/laahi
Ibraahim X. Xasan oo munaasibadaa ka hadlay ayaa ardeyda deeqaha ku
guuleysatay, illaahay ugu baryey in uu hadafkooda waxbarasho ku soo guuleeyo.
Dhanka kale, af-hayeenka WW&S Md.Cabdilaahi Ibraahim X.
Xasan waxa uu sheegay, in aanay wasaaradda waxbarashadu colaad u qabin
dugsiyada gaarka loo leeyahay, laakiin ujeedada laga leeyahay hirgelinta
xeer-nidaamiyaha dugsiyada gaarka ahi yahay sidii loo tayeyn lahaa guud ahaan
waxbarashada dalka. Sidaa darteed, waxa uu mulkiilayaasha dugsiyada gaarka ah u
soo jeediyey, in aanay sas ka qaadin xeer-nidaamiyaha dugsiyada gaarka ah loo
dejiyey.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada Md.Cismaan Jaamac Aadan oo
munaasibadaa soo gunaanaday, ayaa ardeyda la segootiyayo illaahay uga beryey,
in ay noqdaan kuwo safarkooda waxbarasho ku soo guuleysata.
Dhanka kale, wasiirka wasaaradda waxbarashadu waxa uu maamulaha dugsiga Faarax Oomaar Md.Guuleed Yuusuf Iidaan ku sifeeyey, halyey gutay waajibaadkii loo igmaday, kaas oo muujiyey karti iyo waayo-aragnimo maamul. Waxaanu maamulayaasha kale ee dugsiyada dalka ugu baaqay, in ay ku daydaan maamulaha dugsiga sare ee Faarax Oomaar.