Hargeysi Jahwareer iyo Yooyootan Uma Baahna!

Xuseen Cali Nuur Hayaannews

Wiil iyo gabadh ama gabadh iyo wiil aqal-galay ayaa xaflada arooskoodu markuu dhammaado duco iyo hambalyo la isku raaciyaa. Waxa laga ilaaliyaa hadal iyo deymo xun. Waxa laga dhawraa shanqada, loomana ogolaado qoyska cusub wax kasta oo ay jidh diidi karaan.

Toddobaadka hore waxa loogu yeedhaa Boqor iyo Boqorad. Duruufaha nololeed haddii aanay ku kalifin, kuna khasbin ma shaqo tagaan. Kalgacalkii ay isku qabeen ayey u dhigaan sees adag oo noloshooda dambe iyo ubadkoodu u aayaan.

Xaaladda qoys aqal galay hadday taasi tahay, maxaad ka filaysaa dal iyo shacbi jiritaankooda iyo madaxbannaanidooda caalamku iska indho tirayo. Hase ahaatee suurtogaliyey waxaan marnaba ka dhici Karin dalalka dunida saddexaad. Dunidda horumartayna qaar ka mid ahi ay ku carsho-carshoobaan.

Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo murrashaxiintii ay doorashadii isku sidkanayd ku doorteen, wali waxay u dabaal-degayaan guusha taariikhiga ah ee dunidu la yaaban tahay siday suurtogal noogu noqon kartay.

Waan ogahay inay aragtida middaysan ee saddexda Guddoomiye xisbi, heshiiska ay gaadheen, taageerada shacbiga iyo xilka qof kasta ku aadanaa oo dal jacayl iyo daacadnimo lagu fuliyey. Waa Ilaahay mahadii waana lagu ammaanan yahay.

Waxase fiiro gaar ah u baahan in dhammaan goleyaasha deegaan ee degmooyinku, marka laga reebo Hargeysa, oo la filayey in lagu daydo in maanta jahowareer iyo yooyootan maalmeedku ay ku bateen.

Waxaa isweydiin leh waxa Hargeysa looga xarimayo farxada iyo deganaanshaha caasimad goboleedyada kale. Waxay ila tahay inay sabab u yihiin.

Murrashaxiinta loo doortay oo dhallinyaro u badan, la socda xaaladda waaqiciga ah ee dalka, una diyaar ah inay wax ka beddel ku sameeyaan qaababkii hore.

Qaar ka mid ah siyaasiyiintii ruug cadaaga ahaa, oo muddooyinkii ay xilalka soo hayeen laga dheregsan yahay nooca waxqabadkoodu ahaa, ayaa u eg in qaab dhaqameedkii hore ee yooyootanka ku sallaysnaa, u arkaya in aanay dhallinyaradu ku dhaqmi doonin.

Aragtida hordhaca ah ee dhallinyarada la doortay waxa ka muuqata in jiilkii ka horreeyey, ahmiyada ay ku lahaayeen masraxa siyaasadeed ay waayi doonaan. Shacbiguna dhegahoodu sida uu uga nastay intay ololaha doorashada iyo doorashadu intay socdeen uga nasteen ay daayimi doonaan.

Suxufiyiinta oo kaalin mug leh ka qaatay hirgalka doorashada iyo soo jiidashada indhaha caalamiga ah, oo la doonayo in waayo aragnimada sharci ee ku yar laga faa’iidaysto.

Mudaneyaasha la soo doortay, maanta waxay wadaagaan- tiro kasta oo ay ku soo baxeen magaca “Xildhibaan”. Iyaga ayaana xaq u leh xorna u ah markay kulmaan inay noo soo xulaan dadka ay u arkaan inay hoggaamiyaan, ujeeddadii iyo balanqaadyadoodiina la fulin kara.

Mudaneyaasha loo doortay deegaanka Hargeysa, waxaan xusuusinayaa in codka loo siiyey kalsooni lagu qabo inay caasimada ka dhigaan mid u qalanta caasimad JSL. Waana balanqaadkiinii. Noqda kuwo danaha guud ka hormariya kuwa gaarka ah, dhaarta ay mari doonaan sideeda ugu dhaqma. Shakhsiyaadka danaha gaarka ah leh iska ilaaliya. Khilaafka dhexdoodana ogaada inuu waxyeelo u geysan karo shakhsiyadooda iyo danta guud ee Hargeysa.

“Allahayoow tubta toosan ku toosi”

 

Qore Xuseen Cali Nuur

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com