Hay’ada UNHCR Oo Shaacisay 60-kun Oo Qof Oo Ka Qaxay LAASCAANOOD Oo Gaaray Dowlad Deegaanka Soomaalida

In ka badan 60 kun oo qof oo Soomaali ah oo u badan haween iyo caruur ayaa ka cararay colaadda ka oogan gobolka Sool, iyagoo gaadhay deegaannada gobolka Soomaalida ee Ethiopia.

Hay’adda u qaabilsan Qaramada Midoobay arrimaha qaxoontiga ee UNHCR ayaa sheegtay in in ka badan kala bar dadkaasi ay Ethiopia gaareen horraantii todobaadkan.

Dadkan ka qaxay colaadda Laascaanood oo daal, diif iyo qarracan uu ka muuqdo ayaa gaaray gudaha Ethiopia, iyagoo kaliya sita alaabo gacan qabsi ah oo ay awoodeen inay qaataan.

Haween ka mid ah dadkaasi oo u waramay shaqaalaha UNHCR ayaa sheegay inay alaabadoodii muhiimka ahaa ay iska iibiyeen si ay uga dhigtaan jiscin, isagana bixiyaan qarashka gaadiidkii ay soo raaceen.

Qaar badan oo dadkaasi ka mid ah ayaa hay’adda u sheegay inay colaadda Laascaanood ay ku waayeen qaar ka mid ah ehelladood, kuwo kalena ay kala lumeen intii ay dagaalladu socdeen.

Dadkaasi habqanka ah ee colaadda ka cararay ayaa la dejiyay 13 barood oo ku meel gaar ah oo ku yaalla magaalooyinka Bookh, Galhamur, iyo Danot oo ku yaala gobolka Doolo ee dowlad deegaanka Soomaalida ee Ethiopia.

Inkastoo ay ku yaalaan dhul fog oo dadku ay ku yaryihiin hadana dadka gobolka Doolo ayaa soo dhaweeyay qaxootiga, iyagoo la wadaagan wixii ay heli kareen.

Hay’adda UNHCR ayaa sheegtay in xaaladda dadkaasi qaxoontiga ah ay ka sii dareyso, maadaama qiyaastii maalin kasta 1,000 qof oo qaxooti ah ay u talLaabayaan dhinaca Ethiopia.

Meelaha la dejiyay qaxootigan ayey hey’addu sheegtay inay yihiin meelihii abaarta ugu ba’an ay ku dhufatay dalka Ethiopia, ka dib shan xilli roobaad oo baaqday.

In badan oo ka mid ah dadkaasi qaxootiga ah ayaa maciinsaday inay gabaad u galaan iskuullo iyo dhismooyin kale oo dadweyne, halka kuwa kalena aysan heysan meel ay maciinsadaan oo ay banaanada jiifaan.

Dadkaasi ayey hey’adda UNHCR sheegtay inay u baahanyihiin gargaar deg deg ah, sida cunto nafaqa leh, biyo iyo adeeg dhinaca nadaafadda ah, iyo sidoo kale taageero loo fidiyo kuwooda baahiyaha gaarka ah qaba.

Iyadoo ka jawaabeysa, qulqulkan qaxootiga ayey UNHCR sheegtay inay kala shaqeyneyso dowladda Ethiopia, Qaramada Midoobay iyo Ururada gargaarka ee aan dowliga aheyn, sidii loo heli lahaa xarumo ku meel gaar ah oo dadkaasi lagu soo dhaweeyo, gargaarka naf badbaadin ee deg degga ahna loogu fidiyo.

UNHCR waxa Ay intaasi ku dartay in 185 kun oo qof ay ka barakaceen Laas Caanood iyo hareeraheeda tan iyo horaantii bishan February.

Sida hey’addu ay ka soo xigatay mas’uuliyiinta gobolka, dadka gudaha ku barakacay ayaa degay 66 goobood oo gudaha Somaliland ah, halka kuwo kalena ay u gudbeen dhinaca Puntland iyo tuulooyinka ku yaala xadka Somaliya iyo Ethiopia.

UNHCR ayaa ugu baaqday dhinacyada ku lugta leh colaadda Gobolka Sool in ay xormeeyaan badbaadada dadka rayidka ah, iyadoo dhinaca kale deeq bixiyayaasha weydiisatay inay maal geliyaan qarashka ku baxaya taageerada iyo gargaarka bani aadnimo ee dadkan cusub ee soo barakacay ay u baahan yihiin.