Hay’adda Dhaxalka Geeska, Horn Heritage Oo Shaacisay Inay Ku Faraxsan Tahay Dhammeystirka Xeerka Qabyo-Qoraalka Aataarta Qadiimiga Ee Somaliland

“Diyaarinta xeerkani waxa aanu u marney waddo dheer oo cilmi badhis ku sameyney sida ugu haboon ee loo ilaalin karo dhaxalka waddan ee aynu leenahay”Dr. Sada Mirre.

Hargeysa(#Hayaannews): Madaxa hay’adda dhaxalka Geeska, (Horn Heritage Organization) Dr. Sada Mire, ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay inay qabyo qoraalka Xeerka Aataarta qadiimiga oo dhammeystiran ay ku wareejisay Wasaarada Ganacsiga iyo dalxiiska maalintii khamiistii ay taariikhduna ahayd 4-tii May 2022,

Dr. Sada Mirre waxay ku dooday inuu xeerkani la jaan-qaadayo shuruucda iyo baaqyada caalamiga ah, kaas oo aanay lahayn waddamo waa-weyn oo inaga dhaqaale iyo cilmi baddan.

Madaxa hay’adda dhaxalka Geeska, (Horn Heritage Organization) Dr. Sada Mire, ayaa sheegtay inay cilmi-baadhis ku sameeyeen sida ugu haboon ee loo ilaalin karo dhaxalka uu waddani leeyahay, waxaanay tidhi“Annaga Sharaf ayay noo tahay hawl nagu qaadatay muddo tobban sannadood ah oo ahayd sameynta Xeerka Aataarta qadiimiga ‘Somaliland Heritage Act’ oo aan aan la wadnay Wasaarada Ganacsiga iyo dalxiiska Somaliland inaan maanta Xeerkii Aataarta qadiimiga oo qabyo-qoraala oo dhammeystiran ku wareejino.Diyaarinta xeerkani waxa aanu u marney wado dheer oo cilmi badhis ku sameyney sida ugu haboon ee loo ilaalin karo dhaxalka waddan ee aynu leenahay.waxa aanu kaashaney aqoon-yahano xeel dheer u leh sharciga iyo ilaalinta taariikhda iyo dhaqanka Afrika iyo umadaha islaamka ah.”

Iyada oo hadalkeeda sii wadatana waxay tidhi“Wasaarada Ganacsiga iyo dalxiiska Somaliland ayaa ka shaqeyn doonta hirgelinta Xeerkan qabyo qoraalka Aataarta qadiimiga Somaliland.Xeerkani waa xeerkii ugu horeeyay ee dhaxalka dhaqanka ee Aataarta qaadimiga Somaliland loo sameeyo. Xeerkani waa mid la jaaqaadaya shuruucda iyo baaqyada caalamiga ah oo aaney lahayn waddano waa-weyn oo cilmi iyo dhaqaale-ba inaga hayn baddan weli. Ingiriisku (British) xitaa muu sameyn xeer arrimahan khuseeya.”

Muddadii uu socdey sameynta xeerka Aataarta qadiimiga waxa wax ku kordhin, dhimis iyo dib-u-eegis ku sameynayey aqoonyahano, masuuliyiin, sharciyaqaano reer SOMALILAND ah si xeerku noqdo mid aan ka hor imaan Dastuurka, dhaqanka, Diinta iyo sharciyada u yaala dalka. Maantana ay sii ambaqaadi doonto Wasaaradu wada tashi buuxa oo lagu dhameystirayo sharcigan.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Mustafe_Janaale

Hargeisa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com