Heshiis Ay Kala Saxeexdeen Dowladaha Taiwan, Somaliland iyo Shirkadda Genel Energy Ee Shidaal-qodista Ah.

Hargeysa (Hayaannews)- Shirkadda OPIC Somaliland Corporation (OSC) maalgelin Dhaqaale ka helaysa shirkadda ay leedahay dowladda Taiwan oo lagu magacaabo CPC Corporation, ayaa heshiis Saami-qaybsi oo shidaal lagaga baadhayo Somaliland la gashay Genel Energy oo hore u haysatay boqolkiiba 100 xuquuqda shidaal baadhista Baloogga SL10B13 oo ay hore u siisay Xukuumadii madaxweyne Siilaanyo.

Shirkadda Genel Energy ayaa shaacisay inay heshiis kula gashay shirkadda OSC inay la wareegto boqokiiba 49 lahaanshiyaha xuquuqda shidaal-baadhista ceelka SL10B13 halka shirkadda Genel Energy sii haysan doonto saami dhan 51%, waxaanay noqon doontaa shirkadda gacanta ku hayn doonta hawsha baadhitaanka Shidaalka.

Sidaa waxa lagu sheegay War-saxaafadeed ay soo saartay shirkadda Genel Energy oo nuqul ka mida ay heshay Shabakada Wararka ee #Hayaannews, waxaana lagu lagu sheegay in xukuumdda Somaliland ay oggolaatay heshiiska dhexmaray labada shirkadood.

Sida lagu sheegay warka ka soo baxay Genel Energy, Balooggan Sahaminta lagu samaynayo ayaa lagu tilmaamay mid rejada laga qabaa aad u sarayso, waxaana la qiyaasay inay ku jiraan in ka badan 5 Bilyan foosto oo saliid ah iyadoo laga shidaal qaadanayo xogta ka soo baxday sahamin lagu sameeyeey sannadkii 2018-kii, juquraafi ahaana waxaa lagu tilmaamay inuu la mid yahay dalka Yemen.

Warku waxa uu intaas ku daray in ay labada shirkadood ee Genel iyo OSC ay si wada-jir ah u fulin doonaan mashruuc shidaal-qodis ah badhtmaha sannadka 2023-ka, waxaana kharashka ku kacaya qodista ceelka lagu qiyaasay 40 Milyan Dollar.

“Somaliland waxay leedahay dhul dihin oo rejo heersare ah laga qabo oo aanay cidiba sahamin, waxaana ka muuqata arrimo badan oo cid walba ku khasbaya inay ceelal shidaal ka qadaan,” sidaas waxa yidhi Mike Adams oo ah Agaasimaha Farsamada ee shirkadda Genel Energy, waxaanu intaas ku daray, “sayaxa saliidda dul-ceegaagta ayaa xaqiijinaya in shidaal ku jiro”.

Mike Adams waxa uu sheegay in ka faa’idaysiga kheyraadka dihin ee Somaliland waxtar ballaadhan oo dhaqan-dhaqaale u leeyahay Shacabka ku dhaqan deegaanka iyo guud ahaan Dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

“Inta ay hawshu socoto, wax soo-saarku wuxuu noqon doonaa mid qiimo jaban oo aan cimillada waxyeello u geysanayn, waxaanay faa’iido la taaban karo u noqonaysaa dadka deegaanka iyo dawladdaba. Somaliland waxay haysataa fursado badan oo ay tahay inay ka faa’idaysato,” ayuu yidhi Mike Adams.

Dhinaca kale, Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Taiwan Danjire Maxamed Xaaji, ayaa ka hadlay heshiiska shidaal-soo-saarista oo maalgelintiisa ay bixinayso dowladda Taiwan.

Danjire Maxamed Xaaji waxa uu sheegay in heshiiskani ka mid yahay xidhiidhka iskaashi ee u dhexeeya dalalka Somaliland iyo Taiwan ee horumarinta dhinacyada dhaqaalaha, gaar ahaan wax-soo-saarka Tamarta iyo kheyraadka Dabiiciga ah.

Waxa uu danjiruhu sheegay in heshiiskani ku yimi wada-xaajood  saddex-geesood ah oo muddo sannad ku dhow u socday Somaliland, Genel Energy iyo Dowladda Taiwan. Waxa uu xusay in dhinaca Somaliland ay wada-xaajoodka u metelayeen Safaaradda Somaliland ee Taiwan iyo Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland, halka Dowladda Taiwan ay metalaysay shirkadda CPC.

Danjire Maxame Xaaji, ayaa qoraal kooban oo uu maanta soo saaray kaga hadlay geeddi-socodkii uu soo maray hirgelinta heshiiska maanta qalinka lagu duugay, kaas oo uu xusay inay suurto-galisay Dowladda Taiwan oo maalgelinaysa shidaal-qodis sannadka 2023 laga bilaabi doono Somaliland.

Danjiruhu waxa uu qoraalka ku yidhi: “Muddo sannad ah wadahadalkii saddex geesoodka ahaa ee u socday Dawladda Somaliland, gaar ahaan Xafiiskayga iyo Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Jamhuuriyadda Somaliland oo dhinac ah iyo shariikadda weyn ee laga leeyahay dalka Taywaan ee CPC  iyo weliba shariikadda Genel Energy guul ayuu ku soo dhammaaday Alle mahadi ha ka gaadho eh.”

“Qodista Shidaalka waxa lagu maalgalin doonaa boqolaal Milyan waxana insha allah dalka uga soo bixi doona Balaayiin lacag ah oo dhaqaalaha waddanka wax weyn ka beddeli doonta marka lagu guuleysto soosaarista shidaalka Jamhuuriyadda Somaliland. Hamigeennu waa Somaliland oo dhaqaale ahaan xoog badan mustaqbalka dhow insha allah.” Sidaas ayuu Danjire Maxamed Xaaji ku sheegay qoraalka.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale(#MJ)

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com